22nd December 2024 admin Category :
Gawaaridii ugu horaysa ee ka timid degaanada looga shakisan yahay argagixisada ayaa lagu baarayaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug, Puntland
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu dajiyey xoolo isugu jira Ari iyo Lo,o kuwaas oo laga keenay koonfurta Soomaaliya.
Dhawaan ayaa warqad kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka Puntland lagu sheegay in xoolaha ka imaanaya suuqyada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya lagu kala wareejiyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaas oo sabab looga dhigay in lagu baarayo Gadiidka si aysan u adeegsan dadka Qaraxyada Sameeya.
Afhayeenka dawlada Puntland C/laahi Maxamed Jamac oo shalay lahadlay Warbaahinta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay hirgashay warqaadii wareegtada ahayd ee kasoo baxday madaxtooyada Puntland.
Maanta ayaa qaar kamid ah Gadiidkii keenay xoolaha lagu dajiyey duleedka magaalada Gaalkacyo gaar ahaana meel dhawaan ay isku haysteen Maamulka Galmudug iyo Puntland halkaasi oo noqonaysa Siilada Xoolaha ee magaalada Gaalkacyo laguna kala wareejinayo guud ahaan xoolaha sida ay sheegeen maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo.