25th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo  ayaa maanta 04 Feb 2018 safar ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda DF Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  magaalada Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir kusii sagootiyey, Madaxwayne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay Ujeedka  safarkiisa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo weftiga uu  hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga qaranka, shirkaas oo ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb geli doonan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah Dawlada Feredaalka Soomaaliya.

“Waxaan Galabta udhoofayaa Magaalada Muqdisho oo aan kaga qayb-gelidoono shirkii Amniga Qaranka oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya,  shirkaas oo qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana looga hadli doonaa hawlo Laxiriira amniga Qaranka insha alhaah intaa kadib waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waxaan rajaynayaa in aan amnigeena iyo nabd-gelyadeena sii kobcino guul iyo khayr ayaan rajaynayaa inshaa allaah

 ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas“.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka qayb gelidoono shirka amniga qarnaka Soomaaliya, shirkaas oo furmi doonaa maalinimada berrito ah lana Soo gebagebayn doono labada maamlood ee fooda ina ku soohaya.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA ,WACYI-GELINTA , HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*