24th December 2024 admin Category :
Wakiilkii Suldanka Beesha Warsangeli Allah ha u naxariistee Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire, ayaa Isaga oo Burco ku sugan sanadkii 1991 waxa uu u sheegay beesha Isaaq oo markaas jidbaysnayd in laga shaqeeyo Wadaninimo, lagana shaqeeyo midnimada Soomaaliya iyo amniga.
Geesinimo ka weyn ma jirto adiga oo ka soo jeeda beesha Daarood, oo Burco ku sugan 1991, Iyaga oo Beesha Isaaq gacanta ku dhigeen hubkii qaranka Soomaaliyeed u yaalay waqooyiga Soomaaliya dhamaantiis, inaad ku tiraahdo ku shaqeeya wadaninimo, kana shaqeeya amniga iyo midnimo Soomaaliyeed sidii loo heli lahaa. Colaadda iyo nacaybka markaas Burco iyo Hargaysa talay waxaad ka garan kartaa Isimka ugu horeeya muuqaalka hoose hadaladiisa oo hadda dugsiyo ku yaala magaalada Hargaysa loogu magac daray