23rd December 2024 admin Category :
Mooryaantii, mid qori la ordaya , mid qalin wata, mid kamarada xambaarsan iyo mid magac warbaahineed kuu dhuumaalaysanayba aya dhamaantood waxay mucaarad ku wada yihiin madaxweyne Farmaajo, oo u arkeen inuu halis ku yahay dhaqankooda foosha xun
Cabdirisaaq Catoosh oo u shaqeeya Idaacaddii BBcda ee Yuusuf Garaad uu madaxda ka ahaan jiray, ayaa sawirkan u soo bandhigay umadda Soomaaliyeed, isaga oo ka dhaadhicinaya in Xasan Culusoow laga jeclaa magaalada Muqdisho oo loo soo camiri jiray marka uu yimaado Xeebta Liido. Hase ahaatee Madaxweyne F armaajo ay beesho Muqdisho ay u cidleeyaan marka uu xeebta Liido uu soo booqasho tago . In badan oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed oo aan fursad u helin warbaahinta madaxa banaan ayaa dhegaysta Catoosh iyo kuwa la mid ah ee Mooryaamaysan