26th July 2024  admin  Category :

$85,ooo oo soo raacday alaab Kaalmo loogu Bixiyey dukaanka Huudheerka

Dukaarka dharka Celiska ah ama Huudheerka la geeyo marka danbena lagu gado ee ku yaal Vancouver, Canada, ayaa mid ka ah shaqaalihiisa oo lagu magcaabo Jeffrey Stonehouse ,wuxuu ka dhexx helay Bacihii dukaanka loogu deeqay lacag gaaraysa $85,000. Markiiba wuxuu la xiriiray Boooliiska.

Guriga alaabta laga keenay ayaa waxa ku noolaa Islaan weyn oo lageeyey meelaha Dadka waawen lagu daryeelo.

Qoyskii Islaanta oo nadiifinaya Gurigii ayaa alaab badan oo ay Islaantu lahayd waxy ugu deeqeen dukaanka Value Village , ee la geeyo alaabta celiska aha ama la isticmaalay, bacahaas kuwa ka mid ah ayaa waxa ku jiray lacagtaa tirada badan iyo waraaqo Bangiyo, oo iyaga oo aan ogayn dukaanka ugu direen

Sharciga Dukaanka oo ah inay Booliiska la xiriiraan, ayaa waraaqihii ku jiray Bacaha waxa laga dhex helay markii la baaray cadaymihii qofka lahaa, siddi ayaana loogu celiyey Mulkiilihii lacagta oo sida la sheegay lacagtaqaarkeedd ahayd lacag duug ah o muddo la ururinayey, ilaa 1988

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*