29th March 2024  admin  Category :

Argagixisadii Somaliland taageeri jirtay  ayaa  ree Guuraa ka soo jeeda Beesha  Warsangeli oo aan hubaysnayn  ka afduubtay dhulka Macagta ee buuraha Calmadow.

Maamulka Somaliland oo ka caraysnaa Hawadii  Soomaaliya ee lagu wareejiyey dawladda Soomaaliya iyo booqashadii uu wasiirka Qorshaynta Qaranka  Soomaaliya ku yimid gobolka Sanaag, ayaa dad badani waxay sugayeen talaabada ay qaadi doonaan, oo dhaqankoodii argagixisnimada ahaa  ku aarsan doonaan

Maanta ayaa kooxda Alshabaab ee ku dhumaalaysta buuraha Calmadow,  oo ay Somaliland taageeraan,  waxay afduubteen 7 Wiil oo  aan hubaysnayn oo xoolo dhaqato iyo Xijiyeesato ah oo ka soo jeeda beesha warsangeli.

1- Fuaad Cumar Culay  ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuur, Warsangeli

2-Mubaarak Gawse Jaamac Dhiif,  ka soo jeeda beesha Gaashaanbuur, Warsangeli

3- Shaafici Maxamed Xirsi, ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuur, Warsangeli

4- Abshir Ciise Dhiif, ka soo jeeda beesha Gaashaanbuur, Warsangeli

5- Gadaawe Cabdi Dhiif, ka soo jeeda Gaashaanbuur, warsangeli

6-  Shaafici Biidhe Culay, ka soo jeeda Beesha  Gaashaanbuur, Warsangeli

7- Abshir Ciise Dhiif,  ka soo jeeda beesha Gaashaanbuur, Warsangeli

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*