27th December 2024 admin Category :
Argagixisadii Somaliland taageeri jirtay ayaa ree Guuraa ka soo jeeda Beesha Warsangeli oo aan hubaysnayn ka afduubtay dhulka Macagta ee buuraha Calmadow.
Maamulka Somaliland oo ka caraysnaa Hawadii Soomaaliya ee lagu wareejiyey dawladda Soomaaliya iyo booqashadii uu wasiirka Qorshaynta Qaranka Soomaaliya ku yimid gobolka Sanaag, ayaa dad badani waxay sugayeen talaabada ay qaadi doonaan, oo dhaqankoodii argagixisnimada ahaa ku aarsan doonaan
Maanta ayaa kooxda Alshabaab ee ku dhumaalaysta buuraha Calmadow, oo ay Somaliland taageeraan, waxay afduubteen 7 Wiil oo aan hubaysnayn oo xoolo dhaqato iyo Xijiyeesato ah oo ka soo jeeda beesha warsangeli.
1- Fuaad Cumar Culay ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuur, Warsangeli
2-Mubaarak Gawse Jaamac Dhiif, ka soo jeeda beesha Gaashaanbuur, Warsangeli
3- Shaafici Maxamed Xirsi, ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuur, Warsangeli
4- Abshir Ciise Dhiif, ka soo jeeda beesha Gaashaanbuur, Warsangeli
5- Gadaawe Cabdi Dhiif, ka soo jeeda Gaashaanbuur, warsangeli
6- Shaafici Biidhe Culay, ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuur, Warsangeli
7- Abshir Ciise Dhiif, ka soo jeeda beesha Gaashaanbuur, Warsangeli
Allsanaag.com