29th March 2024  admin  Category :

Saadiq Garaad, Xildhibaanka aan dhicin oo Gudoomiye loo doortay.

Saadiq Garaad, waa xildhibaan aan dhicin oo ka mid ah baarlamaanka Puntland, waxay qaraabo dhow yihiin mid ka mid ah Isimada Dhulbahante, wuxuu ka qayb qaatay dhamaan  doorashooyinkii  madaxweynayaashii Puntland soo maray DHAMAANTOOD . Wuxuu ka codeeyey Maxamed Cabdi Xaashi maalintii ay Cade  Muuse wada tartamayeem  oo Cade laaluuska ku bixinayey in la doorto.  Saadiq Garaad, Xildhibaan ayuu ahaa maalintii Laascaanood la qabsaday. Xildhibaan Puntland  ayuu ahaa maalmihii SNM duulaanka ku soo qaadayeen gobolada  Sool iyo Cayn ,  , Wuxuu ka qayb qaatay dhamaan Gudoomiyaashiisii Baarlamaanka Puntland  ee laaluushka lagu tuuray, Ugu danbayntii waa ninkii Muqdisho ka soo qaaday sanadkii hore  lacagtii lagu riday gudomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Maantana shaqo kale ayaa u soo baxday,  oo ah inuu  howl geliyo  66 Xildhibaan ee shaqeeya oo qura  marka la qabanayo xilliyada doorashoyinka  iyo mooshinada Gudoonka baarlamaanka oo laaluushka ugu badan la bixiyo. 66 Xildhibaan oo intooda badani ay  yihiin Iimaan laawayaal maanta waxay ku wada sugan yihiin sidii dhaqanka u ahayd Garoowe

Barlamanka dawlada Puntland ayaa maanta magacaabay Guddi u qaabilsan Doorashada Aqalka Sare oo dhacaysa maalinta Khamiista ee 20ka okt 2016.
231-6d1
Barlamanka dawlada Puntland oo uu u furmay maanta Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Doorasha Aqalka Sare ee Xubnaha dawlada Puntland oo kala ah:

1-Saadiq Abshir Garaad: Gudoomiye

2-Cabdicasiis soiciid Maxamed: Xubin

3- Siciid Daahir Qodax: Xubin

4- Farax Caydiid Casoowe: Xubin

5-Cabdirisaaq Muuse Maxamed: Xubin

7-Maxamed Cabdi warsame: Xubin

8-Cabdi-daahir Siciid Ciise: Xubin

9-Raxmo Cabdixabiib Jaamc: Xubin

10-Cali Axmed Saalax: Xubin

 

img_6067img_6071img_6082img_6089

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*