1st January 2025 admin Category :
Saadiq Garaad, Xildhibaanka aan dhicin oo Gudoomiye loo doortay.
Saadiq Garaad, waa xildhibaan aan dhicin oo ka mid ah baarlamaanka Puntland, waxay qaraabo dhow yihiin mid ka mid ah Isimada Dhulbahante, wuxuu ka qayb qaatay dhamaan doorashooyinkii madaxweynayaashii Puntland soo maray DHAMAANTOOD . Wuxuu ka codeeyey Maxamed Cabdi Xaashi maalintii ay Cade Muuse wada tartamayeem oo Cade laaluuska ku bixinayey in la doorto. Saadiq Garaad, Xildhibaan ayuu ahaa maalintii Laascaanood la qabsaday. Xildhibaan Puntland ayuu ahaa maalmihii SNM duulaanka ku soo qaadayeen gobolada Sool iyo Cayn , , Wuxuu ka qayb qaatay dhamaan Gudoomiyaashiisii Baarlamaanka Puntland ee laaluushka lagu tuuray, Ugu danbayntii waa ninkii Muqdisho ka soo qaaday sanadkii hore lacagtii lagu riday gudomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire.
Maantana shaqo kale ayaa u soo baxday, oo ah inuu howl geliyo 66 Xildhibaan ee shaqeeya oo qura marka la qabanayo xilliyada doorashoyinka iyo mooshinada Gudoonka baarlamaanka oo laaluushka ugu badan la bixiyo. 66 Xildhibaan oo intooda badani ay yihiin Iimaan laawayaal maanta waxay ku wada sugan yihiin sidii dhaqanka u ahayd Garoowe
Barlamanka dawlada Puntland ayaa maanta magacaabay Guddi u qaabilsan Doorashada Aqalka Sare oo dhacaysa maalinta Khamiista ee 20ka okt 2016.
Barlamanka dawlada Puntland oo uu u furmay maanta Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Doorasha Aqalka Sare ee Xubnaha dawlada Puntland oo kala ah:
1-Saadiq Abshir Garaad: Gudoomiye
2-Cabdicasiis soiciid Maxamed: Xubin
3- Siciid Daahir Qodax: Xubin
4- Farax Caydiid Casoowe: Xubin
5-Cabdirisaaq Muuse Maxamed: Xubin
7-Maxamed Cabdi warsame: Xubin
8-Cabdi-daahir Siciid Ciise: Xubin
9-Raxmo Cabdixabiib Jaamc: Xubin
10-Cali Axmed Saalax: Xubin