29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 April 2017 ka qaybgalay kulan lagaga hadlayey xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxda dawladdaha xubinta ka ah DFS iyo guddiga gurmadka abaaraha heer Fadaraal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay kulanka kadib saamaynta ay geeysatay abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay tahay tii ugu darnayd  abid ee soomarta geyiga Soomaalidu degto, taas oo waxyeelo u geysatey dad iyo duunyoba, maantana ay marayso meeshii ugu darnayn oo ay u dhimanayaan shacab Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu mahad balaadhan u soo jeediyey guddiga gurmadka abaarah Soomaliyeed meelkastay joogaan sida hagrasho la’aanta ah ee ay ugu heegan yihiin samata-bixinta dadkooda tabaalaysan ee abaartu halakeysey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in guddigu ay soo bandhigeen lifaaqyo ay ku cad-yihiin lacag walba oo soogaadhay  gudiga sida ay u maareyeen, isla markaana ay u gaadhsiyeen meelihii mudnaa in la gaadhsiiyo, waaxana uu madaxweynuhu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay aaminaan guddigaasi wakhtigooda iyo maalkoodaba u huraya u gargaarida dadkooda dhibaataysan.

Ra’iisul wasaaraha DFS Mudane. Xasan Cali Khayre oo kahadlay madasha ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaalidu hore u xoraysay dalkeeda iyagoo isku duuban oo halmida kana midaysan Soocelinta xuriyada  dalkooda hooyo, maantana sidaasi si lamida loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto gurmadka loofidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen.

Dhinaca kale Madaxda  kale ee kahadashay kulankani ayaa waxaa ay dhamantood ka midaysnaayeen in meel looga soo wada jeesto gurmadka loo fidinaayo ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu haysato, isla markaana aan laga daalin caawimaadooda, gudiga gurmadka abaaraha Soomaliyeedna meel kastay joogaan waxay ku amaaneen shaqada ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaan inaan laga daalin gurmadka lagu caawinayo shacabka la il-daran dhibaatada ka awood roonaatay ee ay sababtay abaarta dabada dheeratay ee ka jirtaa guud ahaan giyiga Soomalidu degto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*