12th August 2026  admin  Category :

Imaanshiyaha Madaxwayne Xasan Culusoow ee magaalada Laascaanood, waa mid muujinaysa in Soomaaliland wax la yiraahdaa aysan jirin. Khariidadii uu Cirro dhawaan guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ay iyana tahay mid aan waxba ka jirin, dhulka Soomaaliyeedna aan la kala jari karin, aqoonsiga Israa’iilna uu noqon doono mid aan meel fog gaarin.



Dhinaca kale, maamulka Waqooyi Bari oo isna lagu dhisay qaab siyaasadaysan oo ay dabada ka riixayeen Madaxweeyne Xasan Culusoow iyo kooxdiisa ayaa isna noqon doona maamul aan meel fog gaarin. Danta ugu weeyn ee Xasan Shiikh iyo kooxdiisa ay ka lahaayeen maamulka Laascaanood ayaa ah oo kaliya in lagu wiiqo maamulka Puntland.



Hadaba Warsangeli wax miyuu ka dhistay maamulka Laascaanood? Jawaabta oo fudud waa maya. Isimada Warsangeli, waxgaradka iyo siyaasiyiinta midna kama qayb gelin dhisitaankiimaamulkaas, balse waxa tegay oo kaliyah shaqsiyaad uu ka mid yahay Ca/ Rashid Yuusuf, Saynab Tiinbiye, Maxamuud Geesood iyo Jamaal Maxamed.



Sidaa darteed, Kooxda Khaatumo waa in ay joojiyaan sheegashada dhulka Warsangeli, Hadalada layska yiraahdo, ixtiraam darada, waana ineeysan la iman sheekada beesha Isaaq ay waddaan ee ah sheegashada dhul aysan lahayn iyo dad aan la qabin goosashada. Hadaba, Warsangeli neef meel taagan oo xarig la iska suranayo ma’ahan. Puntland ayeey wax ka dhisteen, hadii ay ka baxayaan Puntland, waxaa la isaga imanayaa tallo guud.



Sidoo kale, waxa la sheegayaa in maamulka Laascaanood ay u sheegeen Xasan Shiikh in Warsangeli uu u soo xerro geliyo maamulkooda si uu u noqdo maamul hirgala. Waxaa markaa la doonayaa in xiisadda Badda Cas uu maamulka Laascaanood uga faa’iidaysto soo xerro gelinta Warsangeli, iyadoo la leeyahay Turkiga iyo Sacuudiga ayaa Laasqoray deked iyo xero ciidan ka dhisaya. Haddii deked iyo xeryo ciidan la doonayo in laga dhiso Laasqoray, dabcan arrintaas waxaa toos loogala xiriirayaa dadka deegaanka. Laasqoray kama tirsana maamulka Waqooyi Bari, kamana mid ahaan doonto.



Gabagabadii, Warsangeli wuxuu soo dhawaynayaa midnimda ummadda Soomaaliyeed, waxeeyna diyaar u yihiin in ay dhiigooda u shubaan Soomaalinimada.  Dabcan, Warsangeli waxeey ka tirsan yihiin maamulka Puntland waqtigan la joogo, mana jirto wax ka quseeya maamulka Laascaanood lagu dhisay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*