26th April 2024  admin  Category :

Goormaa siyaasiyiinta HAG ay bulshadooda runta u sheegi doonaan?

Bishan aynu ku jirno maamulo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxa ka socday doorashooyin lagu soo xulayey Xildhibanada soo socda ee baarlamaanka dawladda Federaalka Soomaaliya.

Maamuladan ay doorashaddu ka socotay waxa ka mid ahaa labada maamul ee ay beesha Hawiye degaan ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Siyaasiyiintii u sharaxnaa xildhibaanimada ee ka soo jeeday beesha Hawiye, dhamaantood waxay deganaayeen ama ka imanayeen magaalada Muqdisho oo ay ku ilaalinayeen ciidamo shisheeye, dhamaantood waxay diyaarad u soo qaadanayen magaalooyinka Jowhar, Beledweyn, Dhuusamareeb iyo Cadaado, iyaga oo ogaa in dhulka aan la mari karin, sababtoo ah alshabaab isla beelahooda ah inay degaanadaa ku sugan yihiin.

Degaanadan ay horay u ogaayeen in alshabaabka ka soo jeeda beelahooda ay ku sugan yihiin , waxa ka mid ah degmada Beledweyn ee gobolka Hiiraan oo maalintii shalay lagu dilay 48 qof oo Soomaaliyeed, Allah u wada naxariistee.

Siyaasigii ugu horeeyey ee dilkan ka hadla wuxuu ahaa madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi waare, oo ka soo jeeda magaaladauu dilku ka dhacay , wuxuna yidhi ” Waa wax caadi ah in dadka ka soo horjeeda Madaxweyne Farmajo la dilo lana yiraahdo alshabaab ayaa dishay. Siyaasigan ugu caansan gobolka Hiiraan waxaanu Soomaalida inteeda kale u sheegin in dadka wax dilay ay ka soo jeedaan beeshiisa iyo degaankiisa, uuna ku ogaa xitaa xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Hirshabeelle in alshabaab beeshiisa ah ay ku sugan yihiin gobolka Hiiraan oo aan meel kale oo Soomaaliya ka mid ah looga soo duulin.

Dadkii kale oo hadlay qaraxa waxa ka mid ahaa siyasiga kale ee Hawiye ee lagu magcaabo Indho cade, isaguna wuxuu ku daray inuu ogyahay dilal kale ee soo socda, isaga oo ujeedaddiisu tahay kicin bulsho

Indha cade, iska daa wuxuu ogyahaye, isagaa naftiisu khatar gashay oo saacado huteel Afriik musqushiisa ku dhuumayey maalintii la dilay Allah ha u naxariistee Jeneral Galaal. Muxuu maalintaa huteelka uga baaqan waayey oo u bad baadin waayey Jeneraalka reerkiisa ahaa.

Ugu danbayntoo waxa gardaro iyo hadal meel waayey ah in nin alshabaab ay dhulkiisa haysato oo baqdin diyaarad ugu raacaya Caliyaale, Balcad, Jowhar . Cadale, Jowhar Adan yabaal, Buurane, Buulabarde, Beledweyn, Matabaan, Ceel dheer Guri ceel, Cadaado iyo Duusamareeb, inuu eedeeyo madaxweyne Farmaajo oo laga ilaaliyo siyaasi Hawiye oo xanaaqsan iyo alshabaab.

Xilligii uu Xasan Culusoow uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Xildhibaanada waxa lagu dilay gudaha Villa Soomaali

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*