29th January 2023  admin  Category :

Waxa la gaaray xilligii la soo afjari lahaa Mashruuca Galgala

Dhowr sano ka hor, waqtigii uu Cabdi weli Gaas uu Puntland madaxweynaha ka ahaa ayaa Ciidan la doonayey in laga  qoro degaanka Galgala , oo gaarayey ilaa  200 Askari  si ay ula dagaalamaan alshabaabka buuraha Calmadow ku dhuumaalaysanaya  , waxa hor istagay oo diiday in la qoro ciidamadaas beelo ka mid ah beelaha dega gobolka Bari, Sababna waxay uga dhigeen markii ay madaxweynaha Puntland ugu tageen Garowe inaanay doonayn in beesha Dubays lagu hubeeyo.

Arintan waa ku guulaysteen Odayaashii, oo dawladda Puntland waa qaadatay fikirkaas, waxayna ula tageen dawladda fedraalka oo iyaduna ku garab siisay in ciidamo ka soo jeeda degaanada Gagala aan la qorin Ciidanka la dgalanka argagixisada, Mana jirin Isim, siyaasi ka soo jeeday oo arintaa ka hadlay

Isimaddii maalintaa lahaa yaan lagu darin Beesha Dubeys Ciidanka ku sugan Buuraha Calmadow oo ah degaanadooda , ayaa maanta qaar ka mid ah Isimaddii waxay leeyihiin hubkii lagu helay magaca la dagaalnka argagixisada in la siiyo Qoys ka mid ah Qoysaska Puntland oo aan lacag u baahnayn, waana Qoyska keliya ee reet Puntland a oo hal habeen laaluushay 33 Xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Puntlnd si ay ugu cdrryaan , sida la sheego habeenkaas waxa baaday lacag ku dhow hal milyan oo doolar.

Arintan a in hubka lagu wareejiyo Qoyskan oo dawladda Puntland ka hor timid ayaa waxay horseedi lahayd amni xumo ka dhacda guud ahaan Puntland.

Maaha in looga aamuso Isimada iyo ganacsatada aan ka xumaan ama aan dareemin in reer Galgala ay ka maqan yihiin Guryahoodii 15 sano oo ay dul saaran yihiin Qoysas kale oo aan dhaqaale ku dhaamin, halka ay ku taliyeen in reer Diyaano oo ka lacagaystay la dagalank argagixisada la siiyo Hubkii Puntland, Guryihii Caalammku dhiseen iyo gunno dhowr kun ah oo bil walba la siiyo,

Ugu danbayntii sidaan la wada socono waxa Caalamku oo afjatay masruucii la dagaalanka Budhvad badeeda, Maraykanku isaguna wuxuu isaga soo baxay Afgaanistaan oo labaatan sano ka dagaalamayey, sidaas awgeed waxa la gaaray xiligii la soo afjari ahaa Mashruuca Galgala oo keentay in Isimada Puntland yiraahdaan Hub iyo GurYo ha la siiyo ninkii dawladnimada diidanaa

ALLSANAAG.CO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*