26th April 2024  admin  Category :

Farmaajo iyo Culusoow koley Qaran Soomaaliyeed wax uma qabne, maxay ku xasuusan doonaan taariikhda danbe beelihii ay ku yimaadeen magacooda nidaamka ay Soomaali wax ku qaybsato ee 4.5?

Labaddii madaxweyne ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee isaga danbeeyey hogaanka Soomaaliya madaxweyne Xasan Culusoow iyo Madaxweyne Farmaajo, oo Soomaalidu intooda badani ay hadda qireen, ama ay isku raaceen inay yihiin labaddii hogaamiye ee ugu tayada iyo wax qabadka liitay intii hogaan siyaasadeed iyo mid dhaqan ee dalka soo martay. Ayaa wax is waydiin mudan maxay u qabteen beelihii ay ku yimaadeen magacooda nidaamka 4.5 ee Soomaalidu wax ku qaybsato sanadahan danbe, haddii ay ku guul daraysteen tii Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Culusoow, waxay beeshiisu ku xasuusan doontaa inuu dastuurkii Qaranka iyo nidaamkii ay Soomaali isku raacday ee ahaa in Labo gobol iyo nus ay maamul goboleed wada samaysan karaan inuu u jebiyey jacaylka beeshiisa oo uu gobol iyo nus uu maamul goboleed ugu sameeyey .Sidaasna uu ku dhashay maamulka Galmudug

Madaxweyne Farmaajo , isagana beeshiisu waxay ku xasuusan doonaan Cunaqabatayntii Jubbland, Asakartii reer Jubbaland wada samaysteen ee uu beelo beelo u kala saaray, oo qaar gooni u sheegtay

Ugu danbayntii madaxweyne Farmaajo waxa u haray dhowr sano intuu xilka hayn lahaa, waana isbedeli karaa oo waa joojin karaa dagaalkan uuna ku guulaysanayn ee bulshada Puntland iyo Jubbland. Laakiinse sida xaqiiqdu tahay Farmaajo waxa go’doomiyey koox Farmaajo u haysta Baasuke ay kula dagaalamaan beesha Daarood, qaarkood hadayna duulaan ku soo qaadin Puntland nasiib ayaa la leeyahay.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*