8th February 2023  admin  Category :

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa Garoowe Qado sharaf ugu Sameeyey Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Sanaag iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaas oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Munaasabadda Qado sharafta ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda iyo Wasiiradda Xukuumadda ee Ku matala Gobolada Hayland iyo Sanaag ayadoona ay goob joog ahaayeen Gudoomiyayaasha degmooyinka Sanaag iyo Hayland .

Ujeedka kulanka ayaa ahaa Soo dhaweynta gudoomiyaha iyo Taliyaha cusub ee gobolka Sanaag iyo Dar-dargalinta Shaqooyinka Dowladda ee goboladaas ay kawaddo .Masuuliyiintaan kala duwan ee qado sharafta ka qaybgalay ayaa kawada hadlay dar-dargalinta shaqooyinka, ayadoona la hormarinayo shaqooyinka Dowladda si hormarka looga wada qaybqaato .

Madaxdii kulanka joogtay ayaa dhammaantood soo dhaweeyey Masuuliyiinta cusub, waxa ayna sheegeen in ay si dhow ula shaqeyn-doonaan Taliyaha iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag .Gudoomiyaha iyo taliyaha cusub ee gobolka Sanaag ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo qado sharafta loo sameeyey waxa ayna shegeen in ay diyaar u yihiin hormarinta gobolka Sanaag, ayadoo kaashanaya Dowladda Iyo shacabka gobolkaas .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*