29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kaga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka. 

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa diirada ku saaray Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka xiligan xasaasiga ah. 

Waxaa Madaxweynahu uu ugu horay Dowladaha iyo Saxiibada tageera Soomaaliya uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan sidii dib loogu dhisi lahaa nabadgalyada iyo xasiloonida dalka balse waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan dib u dhacyo joogta ah iyo isla xisaabtan la’aan gaar ahaan howlgalada AMISOM oo aan sidii la rabay loo fulin iyo dhismaha Ciidamada Qaranka oo aan waxba ka suurta galin. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay kahor ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka in la helo hanaan amni oo damaanad qaadaya Nolosha dadka Shacabka ah taas oo aan ilaa hada muuqan. 

Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in ay dardar galinayaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan isla markana ay lacago baad ah ka qaadan dadka Shacabka ah taasna ay dhibaato dhaqaale oo Cusub dalka galisay. 

Madaxweynaha oo ka hadlayay Gobolka Gedo iyo doorka Doorashada ee Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay Doorashada in ay ka qeyb gasho balse aanay Doorashada ku qabanaynin gobol aanu nidaam hoos yimaada ka jirin. 

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay inay arintaas si dhab ah u qaadato isla markana ay Ciidamada iyo Maamulka ay halkaas gaysay ay kasoo saarto kuwaan wareejiso Dowlada Jubaland. 

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu inay Soomaaliya mudnaan gaar ahu leeyahiin Doorashooyinka iyagoo saamayn ku leh Hormarka dalka iyo xasiloonida wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in doorashada oo lagu shubto amala boobo ay keenayso dhibaato aan kasoo kabasho lahayn  

Waxaa uu sheegay inloo baahan yahay Doorasho la isla ogolyahay oo la tashiga iyo dhagaysiga dadku ay udub dhexaad u yihiin si gaar ah Arimaha Gobolada waqooyi ayuu sheegay in ay muhiim tahay in dib loo eego iyadoo aan la iska Indho tiraynin dadka tabashooyinka qaba gaar ahaan Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mid kamid ah xilalka dalka ugu sareeya ku matala Gobolada waqooyi. 

Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xukuumada Federaalka ah inay qaadato doorka ay ku leedahay shaqada socota isla markana ayka shaqayso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd Doorasho loo dhan yahay. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*