26th July 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Jaamac Saxardiid Yaa dilay?

Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska maamulka Puntland  Gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid oo lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa  ilo lagu kalsoon yahay waxay noo sheegeen, in markii  marxuumka Cisbitaalka la  geeyey, ka hor intaan  qaliinka uu koomada la galay lagu samayn  inuu codsaday inay u yimaadaan    qaar ka mid ah saraakiisha booliiska iyo denbi baarista puntland , oo uu magacyadooda magcaabay .

Wuxuuna Marxuumku saraakiisha Puntland u sheegay   cidda ka danbaysay dilkiisa. iyo meesha loo  raacayo hadduu dhinto

Mar caawa aanu  la hadalnay qaar ka mid ah laamaha amniga Puntland, waxay sheegeen inay ogyihiin ciddii ka danbaysay dilka Marxuum Jaamac Saxardiid . Sheegashada Alshabaab sheegteen waa naf la caari iyo faan, waxna kama jiraan.

Sidoo kale si marxuumku uuu caddalad u helo,  loona maxkamadeeyo qofkii ama kooxdii amarka lagu dilay soo bixiyey waa in fursad iyo wada shaqayn la siiyaa Saraakiishii Puntland ee  isaga oo dhaawac ah  uu u waramay   una sheegay cidda l\ka danbaysa  dilkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*