26th July 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Suldaanka Warsangeli uu Siyaasadda ugu dhex milmay?

Inta badan Isimada Soomaaliyeed ee soo jireenka ah ma jecla inay siyaasadda dhex galaan xilli walba, haddii ay dhacdona hal maamul qura ayeey ku kooban yihiin, sida Isimada Majeerteen Puntland siyaasad ahaan ma dhaafaan, sidoo kale Isimada Isaaq maamulka Hargaysa ma dhaafaan.

Suldaanka Beesha Warsangeli Suldaan Siciid , isagu waa ka duwan yahay Isimada Kale, oo sadexda Maamul ee Puntland, Somaliland iyo Federaalkaba isaga qura ayaa magcaaba cidda Xildhibaan , Wasiir iyo Agaasime ka noqonaysa. Ma jirto Odayaal ka soo jeeda Beesha oo Suldaanka u yahay oo uu kala tashado arimaha siyaasadda.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano dhowrkan dhacdo;

1- Dhacdaddii Gudoonka Baarlamaanka Puntland, Suldaanka keligiis ayaa arintaa xaliyey oo dhameeyey wixii halkaa ka dhacay. Arintasi waxay ahayd mid siyaasadeed iyo in wax layska waydiiyo sababta keenta in madaxda Puntland had iyo jeer Mooshin laga keeno Gudoomiyaha Baarlamaanka. Labo Cali isma waydiin wxii ay ku wada hadleen madaxweynaha Puntland iyo Suldaan Siciid

2- Shirkii Wada tashiga Puntland, Suldaanka Keligiis ayaa soo magcaabay ergaddii shirka ee gobolka Sanaag uga qayb gelaysay

3- Suldaanku markii uu Muqdisho tegay Ergaddii la socotay uma ekayn inuu yahay Suldaanka beelweynta Warsangeli.

4- Dagaalkii dhex maray Puntland iyo Somaliland, Suldaanku Mag ayuu u xukumay ninkii Habarjeclo ee lagu dilay Carmale, halka Allah ha u naxariistee kuwii Warsangeli ee lagu dilay Damalaxagare aan cidna is waydiin.

5- Nabadayntii uu Suldaanku dhowaan u tegay magaalada Ceerigaabo, waxay ahayd inuu sii kaxaysto isimada kale ee Beesha. Laakiinse keligiis ayaa halkaa tegay. Heshiiskaas uu Suldaanku la galay Siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Habar Yoonis uu hogaaminayey Ismaaciil Xaaji Nuur, sida la sheegay hadda waa jebiyeen

Ugu danbayntii maalinta berito ah waxa magaalada Badhan ka soo degaysa diyaarad sida qalab caafimaad oo mudan in la soo dhoweeyo. Diyaraddan ayaa ku soo degaysa amar uu Suldaanku bixiyey oo baal marsan nidaamka Federaalka iyo maamulka ay degmada Badhani ka tirsan tahay , Siyasiyiin ku gabanaya Suldaanka ayaa umadda Soomaaliyeed ka dhaadhicinaysa in gobolka Sanaag uuna maamul ka tirsanayn, sidaas awgeedna Xildhibanada soo socda laga dhex doorto Magaalada Muqdisho. 2020, in hal Qof yiraahdo anaa oranaya laygama daba hadli karo lama qaadan karo, waana in laga hor yimaadaa in gobolka Sanaag laga sheego inaanu maamul ka tirsanayn, Sidoo kale maalinta berito waa in Suldaanku isagu kala wareegaa qalabka caafimaad kooxda Muqdisho ka imanaysa ilaa Badhani maamul kama tirsnee!!.

ALLSANAAG.COM ,NEWS@ALLSANAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*