28th March 2024  admin  Category :

DENI OO JOOJIYAY MACDANTII LAGA DHOOFIN JIRAY PUNTLAND

MADAXWEYNE DENI OO JOOJIYAY MACDANTII LAGA DHOOFIN JIRAY GUDAHA PUNTLAND

Diktreeto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gebi ahaanba lagu joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta laga dhoofiyo gudaha Puntland, ee loo iib-geeyo dalka dibaddiisa.

Dikreetada oo lagu socod-siiyay lix kamid ah Wasaaradaha Puntland iyo Taliska Booliiska, ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhoofinta  Birta, Maarta iyo Macdanta laga dhoofiyo degaannada Puntland, ee loo iib-geeyo dalalka dibadda.

Taliska Booliiska Puntland, ayaa si gaar ah loogu amray in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado, cid kasta oo lagu qabto dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta, si loo dhaqan-geliyo amarka madaxweynaha Puntland.

Hoos ka akhriso Dikreetada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*