7th September 2024  admin  Category :

Maleeshiyaad SNM ah ayaa duulaan ku soo qaaday Shidan iyo Waqdariya

Ciidan aad u tababaran oo ku hubaysan hubka noociisa kala duwan, oo ka soo wada jeeda beesha Isaaq, ayaa saaka weerar ku soo qaaday reer Guuraa aan hubaysnayn oo ku sugan degaanadooda, si looga Barakiciyo oo halkaa loo keeno Shirkado Macdanta ka gurta.

Shidan iyo Waqdariya, oo dhaca Buuraha waqooyiga iyo xeebta gobolka Sanaag, oo ah degaan ay degto beesha Harti, ayaa saaka waxa weerar ku soo qaaday Ciidan ka amar qaata madaxda heer degmo iyo heer gobol ee maamulka gobolka Sanaag ugu magcaaban gobolka Somaliland , oo ka soo wada jeeda beesha Habar yoonis.

Waa markii sadexaad oo dhowr bilood gudahood ay maleeshiyadkani ay weerar ku soo qaadaan Waqdariya iyo Shidan oo ay dad aan hubaysnayn ku xasuuqaan degaanadaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*