18th April 2024  admin  Category :

Maleeshiyaad SNM ah oo duulaan ku soo qaaday Waqdariye iyo Shidan

Ciidan aad u tababaran oo ku hubaysan hubka noociisa kala duwan,  oo ka soo wada jeeda beesha Isaaq, ayaa saaka weerar ku soo qaaday reer Guuraa aan hubaysnayn oo ku sugan degaanadooda, si looga  Barakiciyo oo halkaa loo keeno Shirkado Macdanta ka gurta. 

Shidan iyo Waqdariya, oo dhaca Buuraha waqooyiga  iyo  xeebta gobolka Sanaag, oo ah degaan  degto beesha Harti, ayaa saaka waxa weerar ku soo qaaday Ciidan ka amar qaata madaxda heer degmo iyo heer gobol ee maamulka gobolka Sanaag ugu magcaaban gobolka Somaliland , oo ka soo wada jeeda beesha Habar yoonis. 

Waa markii sadexaad oo dhowr bilood gudahood ay maleeshiyadkani ay weerar ku soo qaadaan Waqdariya iyo Shidan oo ay dad aan hubaysnayn ku xasuuqaan degaanadaas 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*