26th July 2024  admin  Category :

Lacagtii ay ku heshay magaciisa ayeey  Sida  SNMtu  ay Sool iyo Sanaag ula dhaqmaan  ku samaysay

Sanadkii hore maqaal aan ka qornay Gabadh ka soo jeeday  gobolka New Jersey ee  dalka Maraykanka   oo kaalmaysay  nin Derbi jiif ah ah oo aan hoy uu seexdo lahayn,    ka dib markii shidaalkii gaarigii ay wadatay uu   kaga dhamaaday iyada oo maraysa  jidka dheer ee dhex mara gobolka Philadelphia

Kate McClure, oo 27 jir ah, ayaa waxay  tidhi gaaskii gaariga aan watay  ayaa wuxuu igaga dhamaaday aniga oo maraya Interstate 95,  markaas ayaa nin Derbi jiif ah, oo lagu magcaabo  Johnny Bobbitt Jr, inta uu ii soo lugeeyey i siiyey $20, oo ahayd lacag intuu ka haystay. “Markaas ma haysan lacag, hase ahaatee dhowr mar oo danbe ayaan u soo laabtay si aan u siiyo lacag iyo dhar”

https://allsanaag.com/250-000-ayeey-u-qaaraantay-derbi-jiif/

Sheekadii sidaas  u qurxoonayd  ayaa hadda laysku haystaa.

Qareenka ninka hoy la’aanta ahaa  ayaa sheegay in  lacag badan oo lagu helay ninkan magaciisa aanay isaga  soo gaarin

” Sidaan ku arkay websitkii GoFundMe ee lacagta loogu qaaraamaayey waxa magaciisa lagu soo  ururiyey lacag gaaraysa $402,000 iyada oo websitku qaatay lacag xaqal qalin ah oo gaaraysa $30,000.

Mark D’Amico iyo  Kate McClure waxay siiyeen Johnny oo ah ninka hoy l’aanta ah $75,000. Sidaas waxa ka maqan johnny lacag u dhow $300,000. Qareenka Ninka hoy la’aanta ah ayaa CNN u sheegay inay ku daba joogaan in lacagtaa soo celiyaan

14,000 oo qof oo qaaraanka wax ka bixiyana waxay rabaan inay ogaadaan halka ay lacgtii ay bixiyeen martay

Philadelphia homeless man’s lawyer says couple who raised $400k for him is withholding money – CNN

Sheekadan markaad akhriday soo kuulama eka lacagta Isaaqu ay  ku soo qaataan magaca Sool iyo Sanaag, oo iyagu beel ahaan u  cunaan. Meesha qareenkii Sool iyo Sanaag ayaa ka maqan

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*