7th May 2024  admin  Category :

Farmaajo oo sameeyey Fal la mid ah kii Trump ku sameeyey ninka xilka kula tartamaya ee u adeegsaday dawlado shisheeye

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kacay fal xilka looga qaadi karo, oo la mid ah kii uu ku kacay madaxweyanaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in uu ka codsaday dal shisheeye inay baaritaan denbi ku sameeyaan oo soo bandhigaan ninkii Xilka kula tartamayey ee lagu magcaabo Joseph Robinette Biden, Baarlamaanka Maraykanka ayaa arintan Mooshin ka keenay xilka looga qaadayo madaxweynaha Donald  Trump welina waysocotaa Arintaasi

Warqad maanta ka soo baxday booliska magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in aysan dalkaas ka dhici karin munaasabad soo dhaweyn loogu sameynayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Amarka ka soo baxay booliska ayaa sida la sheegay inuu yimid kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia uu taliska booliska ka dalbaday in la joojiyo munaasabadda lagu soo dhaweynayo siyaasiga oo ay qaban qaabadeeda ku jireen inta badan ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia.

hoos ka akhriso warqadda

https://youtu.be/euRalh4OIJc


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*