26th July 2024  admin  Category :

Talo xumida iyo ku tagri falka magaca reer Maakhir waa mid jahawareerin iyo siyaasad xumo ku keenaya umadda reer Maakhir.

Xalay waxa ka dhacay Minneapolis laba shir oo midna lagu soo dhowaynayo wasiirka waxbarashada Puntland, midna ay qabsadeen shaqsiyaad isku magcaabay inay kala metelaan reer maakhir iyo khaatumo.

Waxaan rabaa inaan mid mid u kala qaado.

1. Soo dhowaynta iyo hanbalyada gudoomiyaha baarlamaanka Puntland waxay ka mid ahayd xaflado loo qabto ama lagu soo dhoweeyo badanaa masuuliyiinta ka timaada gudaha dalka Soomaaliya ha noqoto mid federal ama maamul goboleed kuwaas oo lagu maamuuso m’asuuliyiintaas.

Halkaa waxa horboodayey oo maamulayey shakhsiyaad ka soo jeeda reer maakhir kuwas oo u arkayey inay haboon tahay isla markaana ku hoos watay dano gaar ah.

Jaaliyada Maakhir marka aan leeyahay; Maakhir ugama jeedo maamul waxaan uga jeedaa dadka degan deegaanka Maakhir.

Reer Maakhir badankood ma ay tegin xafladaas sababta looga baaqsadayna waxay ahayd arin aynu wada og nahay waxayna u tegi waayeen laba arimood.

A. khilaaf ka dhashay xilka qaadididii gudoomiyaha baarlamaanka puntland iyo arintii ka dhacday garoowe.

B. Qaybta ugu badan oo ahayd inta ugu badan jaaliyada oo diiday inay qayb ka noqdaan khilaafka oo u arkay in aanay ahayn xaflad aan dhacayn waqtigeedii isla markaana muujinaysa khilaaf soo kala dhex galay jaaliyada .

2. Waxuu ahaa shir lagu sheegay inay yeesheen jaaliyada reer Maakhir iyo Khaatumo kaas oo isna ay horboodayeen shakhsiyaad reer maakhir ah iyagoo u sacaba tumaya maamul ay yeeshaan labadan dad deegaan.

Arintani ma ahayn mid ka turjumaysay rabitaanka iyo talo midaysan oo ay yeesheen dadka ky abtirsada labadan magac gaar ahaan reer Maakhir, sababtoo ah ma ahayn mid laga tashaday isla markaana laysla ogolaaday.

Shirkaa waa laygu casumay isla markaana waxa lay sheegay in la rabo in lala kulmo reer Khaatumo lagana wada hadlo mustaqbalka labadan dad deegaan sidii maamul loogu samayn lahaa.

Runtii kumaan qancin ka qayb galka shirkaa sababtoo ah umaanaan arkay mid midho dhalaya sababtoo ah waxa iiga muqday fudayd badan kaas oo aan ku salaysnayn inuu jiro wada tashi guud.

Sababta labaad oo aan uga qayb geli waayey waxay tahay waxa iiga muuqatay inay arintani bilaabay oo lagu durayo qayb ka mid ah reer maakhir taas oo salka ku haysa isla markaana ka turjumaysa xil ka qaadistii gudoomiye Dhoobo muujinaysana caadifad.

Hadaba waxaa xalay ii muuqday in jaah wareerin hoe leh ay ka bilaabatày jaaliyada reer Maakhir ee minneapolis iyada oo aanayba hore u fiicnayn.

Dadka iyo Deegaanka Maakhir talo guud baa lagu hagi jiray inkastoo dhowaanahan uu jiray khilaafyo iyo dhibaatooyin ay ka dhex dhaceen hadana waxay ku kala tirsanaayeen oo ay wax la qaybsanayeen labada maamul ee hareeraha ka xiga inta ay ka helayaan dawlad Soomaaliyeed.

Puntland waa maamulka ugu badan ee reer Maakhir ka tirsan yihiin waa jiraan cabashooyin iyo tabashooyin badan oo ka jira hadana talo ayaa lagu gaaray in wax lala qaybsado.

Hadii la rabo in maamul cusub laga unko deegaanka reer Maakhir waxay u baahan tahay talo guud oo midaysan in la isugu yimaado ma aha in hadba afar qof intay meel isla gasho inay magacii reer maakhir ku awr kacsadaan.

Gebo gebo.

Ma qabo mana soo dhowaynayo shir iyo go’aan aan wax badan layska waydiin in lagu jaah wareeriyo dad iyo dal markii horeba jaah wareersanaa oo laba maamul ay kala jiidanayeen.

Ma qabo mana raacsanin aniga iyo inta ila fekerka ahiba in la hor fariisto Khaatumo iyadoo laga wada hadlayo qaab maamul dhisitaan iyadoon laga tashan.

Xagalo geel wax gunti la geliyo ka wayn reer Maakhir iyo deegaanka maakhir maaha wax dhowr qof ay sheegan karaan siday doonaana ka yeeli karaan.

Aad baan u taageerayaa dawlada fedelka ah waxaana soo dhowaynayaa wada tashi kasta oo lagaga tashanayo aayaha mustaqbalka Maakhir.

Wa bilaahi tawfiiq.

Abdurahman Maacir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*