8th May 2024  admin  Category :

RW kheyre oo dawladdii Soomaaliya ku soo koobay Beesha Hawiye iyo Muqdisho, ka dib markuu isku dhuftay madaxweyne Farmaajo iyo beesha Daarood

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.Agaasimyaashan kuma jiro hal agaasime oo ka soo jeeda gobolka Sanaag

Shirka agaasimayaasha guudoo u badan beelaha Hawiye iyo beesha Mareexaan ay isugu yimaadaan ayaa sida ay sheegeen dib ugu eegeen guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud ee u badan beesha Hawite shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*