28th March 2024  admin  Category :

Mar kalle ayaa la sheegay in dib u dhac uu ku yimid doorashii dhici laheed bisha October 30keeda, waxaana la sheegay in haddeer dib loo dhigay illaa iyo bisha November 30keeda, waxeeyna sabab ugga dhigayaan dib u dhacaas in ay tahay arrimaha amniga, dhaqaalaha doorashada lagu galli lahaa oon la heeyn iyo qodobo kalleĀ  dartood.

Hase ahaatee, waxaa runta ay tahay in Madaxweeynihii horre Xassan Shiikh iyo kooxdiisa ay yihiin kuwa ka danbeeya dib u dhacyada doorashooyinka ku imaanaya, waxaana laga yaabaa ineeysan fursad u hellin iibsashada codadka haddii la yiraah doorashad waxeey dhaceeysaa Oktober 30keeda, marka waxaa imaneeysa tusaale inta xubnaha baarlmaanka iyo aqalka sarre laga soo xullayo ay noqoto illaa iyo bisha October 20keeda, inta dadkii la isku keenayana ay noqoto illaa iyo bisha October 27keeda, marka madaxweeynihii horre iyo kooxdiisa oo doonaya ineey codadka iibsadaan umma saamaxeeysa ineey hellaan tirada ay u baahan yahiin haddii doorashada laga dhigo bishan October 30keeda maadaama dadka la soo xullayo ay u badnaan doonaan dad cusub oo aan aheen kuwii horre u joogay.

Si waqtiga uu uggu saamaxo iibsiga codadka, Madaxweeynihii horre iyo kooxdiisa, waxeey doorbideen in doorashad loo riixo illaa iyo bisha November 30keeda si ay uggu hellaan iibsiga codadka waqti, laakiin dadka waxaa laga dhaadhicinayaa in lacagtii doorashada lagu galli lahaa aan laheen, amni xummo jirto darteed iyo beelihii oo aan soo dhameen shaqsiyaadkii baarlamaanka ka mid noqon lahaa kuwaas oo dhamaantood ah kuwo aan waxb ka jirin.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*