26th July 2024  admin  Category :

1997, shirkii Beesha Majeeteen ay ku qabsadeen magaalada Qardho ee Gobolka Bari,   oo ay ku doonayeen inay  ku samaystaan maamul goboleed , waxa fashiliyey siyaasiyiinta beeshaas oo dhexdooda is khilaafay, taasina waxay sababtay inay  xilligaas ay  u kala dhuuntaan labadii hogaamiye ee beesha Hawiye ee Muqdishu ku suganaa,   Caydiid iyo Cali Mahdi oo ay ka baryaan  inay u kala noqdaan Ra’isawasaarayaal.  Jawaabtii Cali Mahdi iyo Caydiid waxay noqotay kursiga Raisawasaaraha Soomaaliya  waxa iska leh reer Waqooyi oo ay ula jeedeen Isaaq.

Marka arintu halkaa marayso ayaa sanadkii 1997, bishii november,  waxa Soomaalida shir loogu qabtay magaalada Qaahira ee Xarunta Masar. Shirkan oo dawladda Masar ay shir gudoominaysay ayaa miiska waxay soo saartay in Soomaaliya madaxweyne  uu ka noqdo    Cali Mahdi ,  Caydiidna uu noqdo  Raisawasarihiisa  . isla markaasna Siyaasiyiintii beesha Hawiye sida Qanyare iyo Caato waxay diideen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Boosasso ee gobolka Bari.

Marka xaalku halkaa marayo ayaa  Siyaasiyiinta Cawad Casharo iyo Adan Gabyoow, shirkii isaga baxeen , waxaana ka daba yimid siyaasiyiintii Majeerteen oo hunguri ka sii  ka qabay inay Raisawasaare u sii noqdaan dagaal Oogayaashii USC

Intaas  ka dib, laga bilaabo bishii kowaad ee sanadkii 1998,  oo shirkii Qaahira dhamaaday,  ayaa  waxa bilowday abaabulkii samaynta  maamul goboleedka Puntland oo ay ku midaysan yiniih  gobolada Sool, Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug. Waxaana qayb libaax ka qaatay siyaasiyiinta ka soo jeedaY gobolada  Sanaag iyo Sool Cawad Casharo iyo Maxamed Cabdi xaashi oo madax ka ahaa ururkii USP

Maanta mid la mid ah tii 1997 ayaa  Soomaaliya ka socota , siyaasiyiintii  Majeereen iyaga oo  Madaxweyne doonaya sida Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayeey Muqdisho doorasho u tageen, hase ahaatee  Soomaali dhexdeeda waxay  ka heleen dhowr cod, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole isaga oo Muqdisho jooga ayuu maanta  la tartamay dagaal ooge. Waana looga  adkaaday Soomaali dhexdeeda. Soomaali inteeda badnayd waxay raacday dagaal oogihii, Intooda badan Faroole aqoon iyo karti l’aan kuma diidin ee waxay kaga codeyeen xaqiiqdii waa beesha uu ka soo jeedo

Sawirka Golaha Shacabka BJFS.

Sawirka Golaha Shacabka BJFS.

Hadaba Su’aasha mudan in la is waydiiyo ayaa waxay tahay. Siyaasiyiinta Majeerteen ma jidkii khaldanaa ayeey ku sii socon doonaan mise isbedel siyaasadeed oo jiritaankooda ay ku badbaadiyaan ayeey samayn doonaan. Khaladka ay sameeyeen waxa ka mid ahaa Gaalkacayo oo ay dagaal ku qabsadeen ayeey ku soo casumeen kuwii xasuuqay. Maanta waa lagu haystaa oo lagu dilayaa. Lascaanood oo maqan ayeey lacag waxay ku bixiyeen in maamul goboleed Galmudug la yiraahdo ay sameeyaan. Puntland oo la wada dhistay ayeey hadda guri ay gaar u leeyihiin ka dhigteen. oo sida muuqata qarka u saaran inay burburto

Ugu danbayntii bulshada Puntland, waa dad walaalo ah oo nabad iyo walaaltinimo  qarniyio ku wada noolaa oo ilbaxnimo leh, waa inay iska qabtaan siyaasiyiinta fashilka ah intaanay bur bur iyo colaad dhexdooda ah u keenin

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*