27th July 2024  admin  Category :

Cismaan Maxamuud Tirke iyo Axmed Gacmo yare midna maaha afhayeenka beesha Warsangeli kumana hadli karaan magaca beesha Warsangeli iyo maamul loo samaynayo gobolada Sool iyo Sanaag oo aan bilow ahayn. Labadan nin ayaa ka soo jeeda beesha Dhulbahante

Maanta  bulashada reer Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxay ka midaysan yihiin sidii gobolka Sool loo xorayn lahaa oo dib loogu soo celin lahaa gcan ku haynta dadkii u dhashay degaankaas.

Gobolka Sool lama qabsadeen, xoogna laguma haysteen , haddii ayna jiri lahayn siyaasiyiin reer Sool ah oo raali ka ahaa wada shaqaynta SNM,  bahdilida,  af xumada iyo in xoog lagu sii    haysto  gobolka Sool.

Siyaasiyiinta noocaas ahaa mar walba waxay sheegan jireen  inay madax u yihiin gobolka Sanaag, afhayeen u yihiin gobolka Sanaag ama maamul ay  u sameeyeen gobolka Sanaag SSC, iyaga oo ujeedadeedu ahayd  in gobolka Sanaag uu  maro halkii uu gobolka Sool  horay  u  maray.

Cismaan Maxamuud Tirke iyo Axmed gacan yare inay maanta  ka been sheegaan beesha Warsangeli oo mid walba dhinaciisa u sheegto inuu yahay   afhayeenka beeshaas,  iyada oo ayna jirin meel lagu doortay iyo cid wakiilatay, waxay ka mid tahay waalidii hore ee sababtay in Lascaanood la qabsado iyo in aanu dhicin hal mar shir ay isugu yimaadeen labada beelood ee walaalaha ah .

Maanta maaha maalintii magaca gobolka Sanaag SSC lagu qaraaban jiray, bulshada gobolka Sanaag  intooda da badana ay raali ka ahaayeen , iyada oo sababtu ahayd haddii Sool la xoraynayo magac kasta oo laygu metalyo ha la qaato . Maalintii Cali Khaliif loo dhaarinayey madaxweynaha Khaatumo ee la sheegay inuu madaxweyne ka yahay gobolada SSC , beelaha Raxanweyn, Jareer weyn, Hawiye waa lagu wada casumay caleemo saarkiisii aan ka ahayn beesha Warsangeli. Ma jirin warbaahin iyo Bulsho arintaa ka hadashay, sababtuna waxay ahayd haddii sheegashada magacayga Sanaag  lagu xoraynayo Sool waa OK iyo Tolnimo

Ugu danbayntii Bishu bishii maaha, maanta maaha maalintii SSC iyo maamul u  samayn Sool iyo Sanaag  aan  marna laga wada hadlin warbaahinta lala soo istaagi  jiray , maamulkaas oo aan laga heshiin  oo aan bilow ahayn,  maanta waa maalin lagu midaysan yahay magaca Puntland iyo xoraynta gobolka Sool, intaa wixii dheer sida qof warmyrtiyeed ku soo saara magaca  SSC, sheegtana inuu yahay  afhayeen SSC waa qof iska hadlay oo  doonaya in laascaanood la sii haysto. Beesha Warsangeli ma laha afhayeen ay dhexdooda iska doorteen sidas awgeed ma dhici karto in qof kale oo ka soo jeeda  beel kale  uu afhayeen u noqdo. Gobolka Sanaagna sida madaxda SSC aaminsan yihiin maaha Badhan iyo Laasqoray

https://allsanaag.com/cali-khaliif-iyo-gobolka-sanaag/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*