26th July 2024  admin  Category :

17 Xildhibaan ee reer Sool oo codkoodu halka  meel wada maray doorashadii dhowayd,  ayaa hadda loo degay kaarto lagu kala qaybinayo Shanta sano ee  soo socota,  sidaas ayna u kala qaybsanaan doonaan haddaan Mooshin ay dib ugu  heshiiyaan uuna iman

Waxay u egtahay in lagu kala bixi doono codka baarlamaka qofka ka soo bixi lahaa gobolka Sool kana mid noqon lahaa gudiga joogtada ee baarlamanka Puntland

Kamid noqoshada gudigan ayaa ku yimaada laba hab oo midka hore yahay in xildhibaanada gobolada Sool Sanaag iyo Cayn iska soo xulaan qofka oga mid noqon lahaa gudiga joogtada ah ee baarlamanka Puntland

Habka labaad ayaa noqonaya hadii lagu heshiin waayo in lagu kala baxo gudaha baarlamanka puntland oo cod loo qaado qofka noqonaya xubinta kamid noqoshada gudiga baarlamanka puntland

Xildhibaanad Nimco Cabdi Caarshe ayaa ku dhawaaqday inay u taagantahay kamid noqoshada xilka gudiga joogtada ah ee baarlamanka puntland islamarkaana ay codsi u dirtay baarlamanka puntland

Xilka xubanimada gudiga joogtada ah waxaa doonaya xildhibaan Saadaq Abshir,  oo 5 sano ee u dambeeyay kamid ahaa gudiga joogtada ee baarlamanka islamarkaana sanadkan doonaya inuu sii ahaado

Hadii ay isu tanaasuli waayaan waxay u egtahay mid ay ku kala bixi doonaan codka baarlamanka puntland waxaa iyana meesha ka bixi doonta wada shaqayntii 17 xildhibaan ee horey loo sheegay inay ka shaqayn doonaan danaha degaanada ay degto beesha Dulbahante

https://youtu.be/e7MTXAa4mBE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*