12th May 2024  admin  Category :

15 dal oo ay ku yaallaan waddooyin lagu magacaabay Soomaaliya ama Muqdisho

Safarrada aan ku tago waddamada caalamka ayaa waxaan mar waliba ku arkaa waddooyin wata magaca magaalo ama waddan shisheeye. Waxaan is weydiin jiray, toloow Soomaaliya ama Muqdisho waddooyin loogu magacdaray dunida maku yaallaan?

Markii iigu horreysay ee aan arkay waddo wadata magaca Muqdisho ayaa ahayd mid ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Waddadan ayaa waxay ku taallaa aagga warshadaha ee Nairobi. Muddo ka dib waxaan mar waliba dibadaha ku arkayay waddooyin loogu magac daray magaalooyin iyo waddama shisheeye, waxaana igu dhashay fikir ah in aan ogaado inta waddo ee jirta caalamka kuwaas oo wata magaca dalka Soomaaliya ama caasimaddiisa Muqdisho.

Baaritaan dheer kadib, waxaan arkay waddooyin ku kala yaalla daafaha dunida oo wata magaca Soomaaliya ama Muqdisho.

Halkan waxaan idiinkugu soo uruuriyay waddamada ay ku kala yaallaan, sawirro iyo qariiradaha waddooyinkaas.

Mexico

Mexico waa dal ku yaalla qaaradda waqooyiga Ameerika oo deris la ah waddanka Maraykanka. Dalkan Soomaalida ayaa si fiican u taqaanna waxaana caan bixiyay safarrada tahriibka ah ee Soomaali badani ku maraan iyaga oo usii socda dalka Maraykanka.

Waxaan helay waddo magaceeda la yiraahdo Somalia oo ku taalla xaafadda Ciudad Valles. Xaafaddan ayaa ku taalla gobolka San Luis Potosi oo in ka badan 600 oo kiiloomitir caasimadda Mexico City ka xiga dhanka waqooyi ee dalkaasi.

Mexcico

Talyaaniga

Talyaaniga ayaa waxaa ku yaalla saddex waddo oo wata magaca Soomaaliya. Waxayna kala yihiin;

Via Somalia oo ku taalla cormona, magaalada Milan ee gobolka Lompardy oo ku yaalla waqooyiga Talyaaniga. Waxaa sidoo kale jira laba waddo oo ku yaallaan caasimada Talyaaniga ee Roma waxaana la kala dhahaa; Viala Somalia iyo Largo Somalia.

Halkan ka arag qariirada iyo sawirrada waddooyinkan.

Via Somalia oo ku taalla Cormona, Milan.
Viale Somalia, Roma

Mareykanka

Maraykanka waxaa ku yaalla saddex waddo oo wata magaca Soomaaliya. Waxay ku kala yaallaan goboloda kala ah Minnesota, Virginia iyo Florida.

Somali Street, Minneapolis waa magaalada ugu horreysa oo laga filan karo in ay ku taallo waddo loogu magacdaray Soomaaliya. Sababtuna waxay tahay in gobolkaan uu yahay mid Soomaalida aad usoo dhaweeyay, ay aad u degganyihiin wax badanna u taray.

Waxaa kaloo jira Somalia Street oo ku yaalla xaafadda Sebring ee Gobolka Florida iyo Mogadishu Street oo ku yaalla xaafadda Norfolk ee gobolka Virginia.

Somali Road, Minneapolis, Minnesota.
Somalia St, Sebring, Florida, USA
Mogadishu St, Norfolk, Virginia.

Ingiriiska (UK)

Waddanka Ingiriiska waxaa ku taalla waddo magaceedu yahay Somali Road. Waxayna ku taallaa caasimadda London.

Somali Road, London, UK

Itoobiya

Itoobiya oo ah waddan aan nahay deris ayaa waxaa ku taalla waddo magaceedu yahay Somalia Street. Waddadan ayaa waxay ku taallaa caasimada dalka ee Addis Ababa.

Haddiiba ay jiraan waddamo waddooyinkooda qaar ka mid ah ku maamuusay magaca Soomaaliya, waxaa habboon in ay ka mid yihiin dalalka deriska ah. Itoobiya ayaa buuxisay kaalintaas.

Somalia Street, Addis Ababa, Ethiopia

Kenya

Sida aan kor kusoo xusay, caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxaa ku taalla waddo loogu magac daray caasimada Soomaaliya. Magaca waddadan ayaa ah Mogadishu Road, waxayna ku taalla aagga warshadaha ee magaalada Nairobi.

Magaala xeebeedda Kenya ee Mombasa ayaa sidoo kale waxaa ku taalla waddo magaceedu yahay Mogadishu Road. Sida Itoobiya, Kenya ayaa kasoo baxday kaalinteeda maamuus ee Soomaaliya.

Mogadishu Road, Nairobi, Kenya
Mogadishu Road, Mombasa, Kenya.

Tanzania

Waxaan meesha ka maqnayn dalka Tanzania oo dabcan Soomaaliya xiriir taariikhi ah la leh. Waxaa Tanzania ku yaalla laba waddo oo lagu maamuusay Soomaaliya. Waxayna kala yihiin sidan;

Somali Street, Dar es Salaam, Tanzania

Somali Road, Arusha, Tanzania

Yemen

Waxaa sidoo kale safka ku jira dalka Yemen oo waddo ku taalla caasimadda Sanca ugu magac daray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mogadishu Street, Sana’a, Yemen

Koonfur Africa

Waddanka Koonfur Afrika ayaa noqday dalka Soomaaliya siiyay maamuuska ugu weyn, waxaana laga heli karaa waddooyinka ugu badan ee wata magaca Soomaaliya iyo caasimaddeeda.

Waddooyinka ku yaalla Koonfur Afrika ee wata magaca Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho waxay kala yihiin sidan;

Mogadishu Street, Welgedacht, Springs, South Africa

Mogadishu Street, Springs, South Africa

Somalia Street, Winterveld, South Africa

Somalia Crescent, Cosmo City, Roodepoort, South Africa

Somalia Crescent, Vosloorus, South Africa

Halkan ka arag qariirada qaar ka mid ah waddooyinka Koonfur Afrika ee ku magacaaban Soomaaliya.

Somalia Street, Winterveld, South Africa
Mogadishu Street, Finaalspan, Boksburg, South Africa

Australia 

Dalka Australia ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka Soomaaliya ku maamuusay waddooyin ku yaalla magaalooyinkooda. Waxaan helnay labadan waddo ee hoos ku xusan;

Somali Street, Pascoe Vale South VIC, Australia

Somali Close, Diamond Creek VIC, Australia

Somali Street, Pascoe Vale South VIC, Australia

Liberia

Liberia waa waddan ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika waxaana ku taalla waddo magaceedu yahay Somalia Drive oo bartamaha caasimadda Monrovia dhex marta. Waddadan ayaa aad muhiim ugu ah dalkaasi.

Waddadan ayaa dhawaan waxaa qaybo ka mid ah dayactiray dalka Japan, waxayna u muuqaataa in loo bixiyay ama magaca loo beddelli doono Japan Highway.

Halkan waxaad ka arki kartaa qariirada waddada Somalia Drive oo wali magacaan uu ugu jiro qariirada.

Somalia Drive

Waddada Somalia Drive ayaa waxay sidoo kale leedahay buundo kor marta webi magaalada dhex mara. Waddadan ayaa dhererkeedu yahay 13 kiiloomitir

Philippines/Filibiin

Waxaa iska cad in uu aad u wanaagsanaa xiriirkii caalami ama diblomaasi ee dowladii burburka ka hor ee Soomaaliya. Filibiin waa waddan ku yaalla qaaradda Aasiya, dhinaceeda koonfur bari. Wuxuu ka mid yahay waddamada Aaisya ugu horumarsan wuxuuna caan ku yahay dalxiiska.

Dalka Filibiin ayaa waxaa ku taalla waddo loogu magac daray Soomaaliya.

Wadadan ayaa waxay ku taallaa caasimada dalka Filibiin ee magaceedu yahay Manila.

Manila

Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraatka Carabta oo xiriir dhow oo taariikhi ah la leh Soomaaliya ayaa iyadana waddo ku maamuustay qaranka Soomaaliya. Waddadaas ayaa waxaa la dhahaa Mogadishu Street, waxayna ku taallaa caasimada Abu-dhabi.

Mogadishu Street – Abu Dhabi – United Arab Emirates

Namibia

Waddanka Namibia wuxuu ku yaallaa Koonfur Afrika, Caasimaddiisuna waa Windhoek. Wuxuu sidoo kale Soomaaliya ku maamuusay waddo loo bixiyay Somalia street oo ku taalla caasimadda Windhoek.

Somalia Street, Namibia.

Nigeria

Dalka Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan ee Afrika ayaa sidoo kale Soomaaliya ku maamuusay labo waddo. Waxayna kala yihiin;

Mogadishu Street oo ku taalla caasimadda Abuja iyo Somalia Road oo ku taalla magaalo magaceedu yahay Barnawa.

Somalia Road, oo Abuuja ju taalla

Mohamed Dirie waa qoraa madax bannaan iyo cilmi baare. Qormadan waa cilmi baaris uu iskiis u sameeyay, kama turjumeyso aragtida BBC-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*