29th March 2024  admin  Category :

Mishiinkii loo tababaray Cunto karinimada oo shaqadii laga fariisyey

Mid ka mid ah Maqaaxiyaha tirada badan ee Cali Berger ee ku taala Pasadena ayaa cunta kariyaashii maqaaxidaas waxa lagu bedelay Mashiin

Laakiin markii uu hal maalin shaqeeyey Mashiinkaasi ayaa korontadii uu ku shaqaynayey waxa looga saaray in dib u habayn    lagu samaeeyo  si uu ugu shaqeeyo si dhakhso badan

Dadka caawinaya Mishiinkan ayaa  iyagana waxa la siiyey  tababar siyaado ah   si Mishiinku ula jaan qaado dalabka faraha badan ee Macaamiishu dalbanayaan

Joornaalka USA Today ayaa sheegay in Mashiinku weli taagan yahay halka lagu solo hilibka, laakiin ay korontadu ka baxsan tahay. Ayna ku qoran tahay Calaamad  tilmaamaysa in Mishiinku uu dhowaan wax karinayo “cooking soon” laakiin kuma qorna taariikh uu howl gelayo
.
Mishiinka sida muuqata maalmo hawada waa ka maqnaanayaa maxaa yeelay warka Mishiinka cuntada karinaya ayaa meel walba ka dhacay, taasina waxay keentay in dad badani u soo cunto doontaan maqaaxida. Mishiinka ayaa  markii hore loogu talo galay inuu maalintii sameeyo 2,000 oo ah hilibka iyo Rootiga lays dhex gesho burgers. Haddase maqaaxidii waa la soo camiray oo dalabkii aad ayuu u batay mishiinkiina si deg deg ah wax uma samaynayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*