7th May 2024  admin  Category :

Madaxda Waxbarashada Puntland oo U Jawaabtey Wasiir Goodax Bare

Dawladda Puntland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hanjabaaddii uu wasiirka waxbarashada Soomaaliya u soo diray ardayda reer Puntland si ay u galaan imtixaanka ay qaaddo xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimaha guud iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hanjabaadda iyo hadalka ka soo yeeray xildhibaan/ wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

Puntland ayaa sheegtay inaysan aqbali karin imtixaankaasi maadaama aysan jirin siyaasad iyo sharci waxbarasho oo midaysan, isla markaana Puntland ay qaadayso imtixaan ay qaadaysay 16 sano oo tayeysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*