26th April 2024  admin  Category :

Mooryaankii Muqdisho  oo mar kale lagu eedeeyay   inuu fara gelin xoogan ku haayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamuud Xasan (Azhari) ayaa ku eedeeyay Xoghayihii hore ee Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim inuu fara gelin ku haayo howlaha Wasaaradda.

 

Qoraal Cabasho ah oo uu goor dhow ku qoray bartiisa Bartiisa Facebook ayuu Mr Azhari ku sheegay in Yaxye Cali uu bilaabay inuu kala qeybiyo, isla markaana bur buriyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo xaruntiisa aheyd Wasaaradda.

“Kaddib Markii Yaxye Cali Hareeri uu ku fashilmay Hoggaankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, wuxuu u tafaxeytay inuu kala qeybiyo, isla markaana bur buriyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha, “ayuu yiri Mr Azhari.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay inuu Mr Yaxye uu ka weeciyay shirkii maalinlaha ee Guddiga Gurmadka Abaaraha oo xaruntiisa aheyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isla markaana meel kale oo qarsoodi ah geeyay.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamuud Xasan ayaa sidoo kale ku eedeeyay inuu ka saaray Guddiga xubnaha ka tirsanaa, xubno cusub ku soo daray, isagoo adeegsaday awooda Sheekh Nuur Baaruud.

Waxaa uu sheegay in shirkii maanta ay yeesheen Guddiga ay fadhiyeen saddex xubnood kaliya oo ahaa xubnaha rasmiga ah ee ku soo baxay Digreeto Madaxweyne.

Mr Azhari ayaa sheegay in 26 xubnood oo ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha qaarkood laga saaray, waxaana xubnaha laga saaray ka mid ahaa xubno Puntland iyo meelo kale shaqo ugu maqan.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa ahaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Guddiga qaran ee Gurmadka Abaaraha, ka hor inta aan laga qaadin xilkii Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirkii maanta ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa uu ka dhacay Hotelka Dayax, iyadoo lagu ansixiyay in 1,000 loor oo isugu jira Bur, Bariis, iyo Sokor iyo 100 kartoon oo saliid ah.

Akhriso qoraalka Ajandaha Guddiga iyo xubnaha Guddiga ee is bedelka lagu sameeyay

27c6

https://allsanaag.com/madaxda-daarood-iyo-awoodooda-muqdisho/

https://allsanaag.com/agaasimihii-shaqada-laga-eryey-oo-la-dalcsiiyey/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*