26th April 2024  admin  Category :

Xafiiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhawaan laga soo saaray wareegto loogu sheegayo gollaha wasiiirada ineeysan ku qori karin baraha bulshada wax war ah ama aysan warbaahinta war siin karin iyadoon la oggeeysiin xafiiska ra’iisal wasaaraha si la iskulla oggaado waxa laga hadlayo. Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Ra’iisal Wasaare ku Xiggeenka Mahdi Maxamed.

Hadaba, qoraalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ee lagula hadlayey gollaha wasiirada ayaa ahaa hab aan ku habooneen hannaanka dawladnimo, mana habooneen dawladda ineey warbaahinta iskala hadasho, balse waxaan is leeyahay waxaa sababy dawlad la’aanta dalka ka soo jirtay dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay taas oo dadkii ka dhigtay kuwo hannaankii dawladnimo ay ka jahwareertay.

Waxaa dhab ah, haddii la doonayo in gollaha wasiirada arrin lagala hadlo ay ku haboontahay in ra’iisal wasaaraha uu isugu yeero kullan qaas ah oo uu la yeelanayo gollahiisa wasiirada si loogu sheego ineeysan wax war ah ku qori karin baraha bulshada, sidoo kallana, aysan ka hadli karin arrimo aan quseen, ciddii dhinac martana loo sheego ineey shaqadeeda ay waayeeyso.

Tusaale, haddii wasiirka maaliyadda uu qof wariya ah weeydiiyo arrimo ku saabsan sicir bararka, lacagta been abuurka ah iyo arrimaha canshuuraadka ma waxuu dhahayaa wasiirka ii kaadi wariye aan xafiiska ra’iisal wasaaraha fasax ka soo qaatee. Waa arrin aan dawladnimada ku jirin, meelna ugga dhaceeysa xoriyadda mas’uuliyiinta. Wasiirka waa in shacabka uu ka kaafin karaa su’aalaha ay qabaan, laakiin wixii sir ah ee dalka uu leeyahay ma ahan in idaacad laga sheego, laakiin wixii nolol maalmeedka dadka taabanay waa mid loo baahan yahay in looga jawaabo.

Teeda kalle, haddii qofka isaga oo ah wasiirka xanaanada xoolaha uu doonayo inuu ka hadlo arrimo quseeya wasaarada amniga ama duulista hawada waxaa waajib ah in fasax uu ka soo qaato xafiiska ra’iisal wasaaraha maxaa yeelay wuxuu qofkaasi faraha la galayaa shaqo aan quseen wasaaradiisa.

Gabagabadii, dawladnimada waxeey ku jirtaa in dawladdu ay ka fakarto tallabo kasta oo ay qaadeeso, mana haboona in wareegto inta la soo saaro lagulla hadlo gollaha wasiirada ama amar la dul dhigo iyadoo la helli karo in la maro dariiqooyin kalle oo ka haboon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*