20th September 2017  admin  Category :

Xafiiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhawaan laga soo saaray wareegto loogu sheegayo gollaha wasiiirada ineeysan ku qori karin baraha bulshada wax war ah ama aysan warbaahinta war siin karin iyadoon la oggeeysiin xafiiska ra’iisal wasaaraha si la iskulla oggaado waxa laga hadlayo. Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Ra’iisal Wasaare ku Xiggeenka Mahdi Maxamed.

Hadaba, qoraalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ee lagula hadlayey gollaha wasiirada ayaa ahaa hab aan ku habooneen hannaanka dawladnimo, mana habooneen dawladda ineey warbaahinta iskala hadasho, balse waxaan is leeyahay waxaa sababy dawlad la’aanta dalka ka soo jirtay dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay taas oo dadkii ka dhigtay kuwo hannaankii dawladnimo ay ka jahwareertay.

Waxaa dhab ah, haddii la doonayo in gollaha wasiirada arrin lagala hadlo ay ku haboontahay in ra’iisal wasaaraha uu isugu yeero kullan qaas ah oo uu la yeelanayo gollahiisa wasiirada si loogu sheego ineeysan wax war ah ku qori karin baraha bulshada, sidoo kallana, aysan ka hadli karin arrimo aan quseen, ciddii dhinac martana loo sheego ineey shaqadeeda ay waayeeyso.

Tusaale, haddii wasiirka maaliyadda uu qof wariya ah weeydiiyo arrimo ku saabsan sicir bararka, lacagta been abuurka ah iyo arrimaha canshuuraadka ma waxuu dhahayaa wasiirka ii kaadi wariye aan xafiiska ra’iisal wasaaraha fasax ka soo qaatee. Waa arrin aan dawladnimada ku jirin, meelna ugga dhaceeysa xoriyadda mas’uuliyiinta. Wasiirka waa in shacabka uu ka kaafin karaa su’aalaha ay qabaan, laakiin wixii sir ah ee dalka uu leeyahay ma ahan in idaacad laga sheego, laakiin wixii nolol maalmeedka dadka taabanay waa mid loo baahan yahay in looga jawaabo.

Teeda kalle, haddii qofka isaga oo ah wasiirka xanaanada xoolaha uu doonayo inuu ka hadlo arrimo quseeya wasaarada amniga ama duulista hawada waxaa waajib ah in fasax uu ka soo qaato xafiiska ra’iisal wasaaraha maxaa yeelay wuxuu qofkaasi faraha la galayaa shaqo aan quseen wasaaradiisa.

Gabagabadii, dawladnimada waxeey ku jirtaa in dawladdu ay ka fakarto tallabo kasta oo ay qaadeeso, mana haboona in wareegto inta la soo saaro lagulla hadlo gollaha wasiirada ama amar la dul dhigo iyadoo la helli karo in la maro dariiqooyin kalle oo ka haboon.

One thought on “Wasiiraddu kama hadli karaan Warbaahinta

  1. ABDALLA

    RAIISUL WASAARE KU XIGEENKA SHAQADIISU MAXAY TAHAY UGU HOREEN?

    MARAIISULWASAARIHI KOWAAD AYAA DALKA KA MAQAN OO KU XIGEENKA KOWAAD AYAA SHAQADII SII WADA MARKA UU WAREEGTO KA SOO SAARAYO XAFIISKA R/W/KOOWAAD>

    RAIISULWASAARAHA KOOWAAD SHAQADIISU MAXAY TAHAY?

    MADAXWEEYNIHI DALKA MAJOOGAA MISE WAA UU MAQANYAHAY ?

    WASIIRKA AMNIGA QARANKA,WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA ,WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA,WASIIRKA DASTUURKA DALKA,WASIIRKA DIFAACA DALKA,TALIYAHA CIIDANKA XOGGA DALKA,TALIYAHA CIIDANKA BOLISKA ,TALIYAHA CIIDANKA NABADSUGIDDA,TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA,,RAIISUL BARLAMANNKA GOLAYAASHA XILDHIBAANADA AQALADA SARE IYO HOOSE SHAQADOODA MAXAY TAHAY?

    SHACABKA NABAD DIIDKA AH EE HORTAAGAN NABADDA IYO HORUMARKA WAANU MAQALAY,SHACABKA HORUMARKA IYO NABADDA JECEL WAANU MAQALAY,

    HADABA YAAN SHAQADI GUDAN YAA SHAQADI LOO IGMADAY GUTAY ?

    DOWLADDI WAATAN JAHA WAREERSANE XAGEE AYAY WAX KA KHALDANYIHIIN?

    WAA MAXAY JAHA WAREERKAAN IYO ISKU DHEXYAACAAN ? WAA MAXAY DOWLADAN AAN LAKALE AQOON KII MADAX AH IYO KII AAN MADAX AHEEN OO MIDWALIBA UU MADAX YAHAY OO KAAGADARANE MIDWALIBA WAREEGTO ISKA SOO SAARAAYO WAXA UU RABANA KU QORAYO?
    TALADA WADANKAAN SIDEE BAA LOO KALA LEEYAHAY ?YAA AAY KA GODAA TALADA WADANKAN OO KAMA DANBEES AH?
    YAA WADANI AH OO DALKAAN DAACANIMO UGU DHAARTAY OO HOWLIHI LOO DOORTAY FULINAYA?
    YAA KHAAINUL WADAN AH OO DALKAAN LUGOOYADIISA KU DHAARTAY BIN UU KU SHAQEEYO ?
    KHAAINUL WADANKA IYO KAN AAN SHAQADI UU U DHAARTAY GUDAN YAA GO AAN KA QAADAN KARA OO KAMA DANBEES AH?
    DOWLADDA UU UGU HOREEYO MADAXWAYNAHA IYO WASIIRKA KOOWAAD,AQALADA HOOSE IYO KANSARE MA NOOGA SOO JAWAABI KARTAA SUAALAHAAS OO IDIL AYAGOO WADA DHAN OO AYAN CIDINA KA MAQNEEN?
    HADII AY KA SOO JAWAABAAN OO TALAABOOYINKA KU HABOON SUAALAHAA AY KA QAADAAN HAA WALI KHAYRBAA JIRAOO DOWLAD BAA WALI INOO JIRTA LAAKIIN HADII LA WAAYO MEESHA WAXBA MAYAALAAN OO WAA SIDAA AANU ARAGNO IYO ISKU DHEXYAAC IYO JAHA WAREER .

    WABILAAHI TOWFIIQ.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*