27th April 2024  admin  Category :

 

Weftigan oo hordhac u ah wufuud tiro badan oo kusoo waajahan guud ahaan gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Nuur iyo madax kale.

 

Waftiga ayaa waxaa magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka  degmada Badhan, taliyaha ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga iyo Degaanka.

 

Ujeedada socdaalka Waftiga ayaa la xiriirya Kormeer shaqo oo ay ku mari doonaan dhammaan degmooyinka, tuulooyinka iyo degaanada goboladda Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa farogalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland uu ku hayo goboladaasi.

 

Dhinaca kale, Gobolada Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland waxaa maalinta beri ku wajahan Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi yuusuf Dawlad, waxaana ka mid ah wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Dastuurka iyo Dekeddaha, waxaa kaloo waftiga ka qayb ah Saraakiil ciidan, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

 

Xukuumadda dawladda Puntland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka go’an ilaalinta xuduudaha dawladda Puntland, nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka SNMee ku aadan xuduudaha Puntland, waxaana ay cadeeyeen golaha xukuumadda dawladda Puntland in aysan ka dhici doonin wax doorashooyin u eg oo ka yimaadda dhinaca Somaaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland.

5I2A2371

2(2)

5I2A2372

5I2A2359

Weriye madax banaan Maxamed Axmed Ciise

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*