19th March 2024  admin  Category :

TARTANKA 8AAD EE GOBOLADA DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilaahi Denni, oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Faarax Muuse, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hodan Siciid Xasan, Wasiir dowlaha Wasaaradda Fardowsa Cismaan Cigaal iyo agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka qayb galay furitaanka Tartanka 8aad ee goboladda Dowladda Puntland kaas oo ay ka qayb gelaayaan Sagaal xul ee ka kala socda Sagaalka Gobolka ayaa maanta ka furmay Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare magaalada Garowe.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madax kala duwan Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaasha ciidamada kala duwan, Madaxda xirirka Kubadda Cagta heer Soomaaliya iyo heer Puntland, lataliyaha madaxwaynaha arimaja Ciyaaraha, Agaasimaha waaxda Ciyaaraha, Madax hore, Qurba joog, Madax ka socota Sagaalka gobolka iyo Kumanaan Shacaba.

Tartankan ayaa waxaa ka qayb gelaaya Gobolada: Bari, Sool, Gardafuu, Mudug, Nugaal, Sanaag, Karkaar, Cayn iyo Haylaan.

Madaxda halka ka hadashay ayaa guul u wada rajeeyey xulalka metelaaya Sagaalka Gobol ee Puntland.

May be an image of 6 people and people standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person, playing a musical instrument, standing and outdoors
May be an image of 2 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing, crowd and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*