26th April 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya ma ula dhaqmi doontaa SNM sidii Sirilanka iyo Itoobiya ay ula dhaqmeen Jabhaddii Taamilka ee Sirilaanka iyo tan hadda Tigreega ee Itoobiya

Dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre AUN, waxaa weerar kala hor yimid jabhado beeleedyo ujeedkooda uu ahaa sidii ay kursiga u heli lahaayeen. Jabhadahan ragii hoggaaminayey dhammaantood waxeey beelahooda u sheegayeen ineey dulman yihiin, balse dantooda ugu weeyn ay aheed sidii ay ugu awr kacasan lahaayeen beelahooda, kursigana ay sidaa ku gaari lahaayeen.

Hadaba, dawladdii dalka ka jirtay xilligaas, xil ayaa ka saarnaa ineey dalka ka difaacdo jabhadaas beeleeysnaa ee laga soo abaabulay wadamada deriska ah. Adduunkana ma jiro dal oggolaanaya in dalkiisa laga dhex jabhadeeyo ama laga sameeyo waxyaabo dalka kalla jaraya.

Si kastaba ha ahaatee, beesha Isaaq ayaa ka mid ah beelaha illaa iyo maanta ka cabanaya dawladdii ka jirtay dalka, iyagoona dawaladdii dalka ka jirtay ku eedeeya ineey u geesatay xasuuq. Waxaa dhab ah in Jabhadeen, amar diido iyo kalla jarida dalka cidii la timaaday ay mas’uul ka aheed wixii meeshaa ka dhacay, balse dawladdu xilligaa ka jirtay dalka ay gudaneeysay waajibaadkeeda qaran.

Maanta dawladda Itoobiya waxeey weerar ku qaaday gobolka Tigreeyga oo amar diido iyo dagaal kalla hor yimid dawladda Itoobiya. Waxaa dhab ah in dawlad kasta uu xil ka saaran yahay illaalinta xudduudaheeda iyo illaalinta midnimada guud ee dalkeeda.

Waqtigan dagaalka lagu qaaday Tigreeyga, waa mid ay iyagu leeyihiin mas’uuliyadeedeeda waayoo waxeey ka hor yimaadeen dawladda awaamirteeda ku aadaneed doorashooyinka, waxeey billaabeen weeraro lagu qaado xeryaha dawladda, waxeey kalloo doonayaan ineey dalka intiisa kalle ka go’aan, iyagoon soo marin dariiqii saxda ahaa.

Sidoo kalle, waxaan la soconaa in dawladda Sirilaanka (Sri Lanka) ay tirtirtay jabahadii waqtiga dheer dagaalka kulla soo jirtay ee loo yiqiin Tamil Tigers. Tamil Tigers waxeey doonayeen ineey dalkaas intiisa kalle ka go’aan oo ay noqdaan dal madaxbannaan, iyagoona ku raadinaya goosashadooda qaab jabhadeesan.

Hadaba, marka dawladda Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto, hadii beesha Hargeeysa laga waayo ineey ka waantoobaan goosashada ay sheeganayaa, lagama maarmaan waxaa noqoneeysa in dawladda Soomaaliya ay ulla tacaasho gooni goosatada Hargeeysa sida Tigreyga iyo Tamil Tiger loola macmiilay oo ah in la soo afjaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*