26th April 2024  admin  Category :

Safiir ka soo jeeda Maakhir oo maalmahan  la magcaabi lahaa ayaa hadda waxa  laga dhigay in loo magcaabayo Safiir reer Waqooyi ah.

Safiirka Soomaalida u fadhiyi lahaa  dalka Shiinaha ayaa logu  waday in loo magcaabo Danjire ka soo jeeda Maakhir. Laakiinse hadda waxa reer waqooyinimo ku qaatay kooxdii horay u dhacday Xildhibaankii aqalka sare ee gobolka Sanaag,

Jawaahir Xaaji Aadan, oo la dhalatay wasiiraddii  hore ee arimaha dibadda  Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan, oo u dhaxda nin Ingiriis ah ayaa hadda sida la sheegay xilkan loo magcaabi doona.

Haddi aad maqasho xil muqdisho looga  magcaabayo, oo lagu magcaabayo  magaca  reer Waqooyinimo waa xil Beesha isaaq loo magcaabayo oo khiyaano Qaran  ku jirto. Sidoo kale haddii aad maqasho ciidan magac Federaal Muqdisho looga qorayo ama shaqo federaal ah oo Muqdisho  laga  qorayo , iyaduna waa khiyaano qaran iyo shaqo abuuris loo samaynayo reer Muqdisho

Warkan oo faahfahsan gadaal ayaan ka soo qoraynaa

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*