8th May 2024  admin  Category :

Wakiilka Ethiopia uqaabilsan urur goboleedka IGAD Gen.Gabre Heard ayaa madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ixtiraam daro umuujiyay ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo booqashadii madaxweynuhu ku tagay magaalada Baydhabo dhowr beri kahor.General Gabre wax faahfaahin ah kama bixinin ixtiraam darada uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo.

Generaal Gabre ayaa madaxweyne Farmaajo weydiiyay su’aal udhignayd sidan:-

“Farmaajo miyuu iloobay kulankii uu la qaatay Raysulwasaarahaanagii geeriyooday Meles Zenawi,kulanka ayaan isku aragnay markii uu Meles Zenawi ii yeedhay,” ayuu yidhi General Gabre.

Ujeedada qoraalka Generaal Gabre ma cadda iyo sababta uu xusay kulanka uu sheegay inuu dhexmaray Meles Zenawi iyo Madaxweyne Farmaajo xiligii uu Raysulwasaaraha ahaa.Ujeedada qoraalka Gen.Gabre laba mid un bay noqon kartaa.

1)In ujeedada Gen.Gabre tahay in shacabka Soomaaliyeed waswaas ka geliyo madaxweynahooda ama
2) Inuu jiray hadal ay isku ogaayeen Meles Zenawi iyo Farmaajo ama ay ku wada hadleen kulankaas la sheegay

Sikastaba ha ahaatee,Gen Gabre oo ah wakiilka Ethiopia ee urur goboleedka IGAD ayaa waxaa Muqdisho ugu dambaysay maalmo kadib caleemasaarkii madaxweyne Farmaajo xiligaas oo uu ka qeyb galay kulan wakiilada Beesha caalamka ay la qaateen madaxweyne Farmaajo,waxaa loo badinayaa in magaalada Muqdisho uu cadho uga maqanyahay.

Sawirka Mahdi Hibil.

“M/weynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*