26th April 2024  admin  Category :

Itoobiya: Itoobiya ayaa canbaareeysay “hanjabaada gacan ka hadalka ah” ee ku aadan biyo xireenka dalkaasi uu dhistay. Sidoo kalle, Itoobiya waxa ay sheegtay in hanjabaad nooc kasta oo ay tahay aysan xallineeyn muranka biyo xireenka ee kalla dhaxeeya wadamadda deriska ah. War ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed waxaa lagu yiri, “Hanjabaadaha iyo ficiladan aflagaada ah ee ku aadan madaxbannaanida dalka Itoobiya waa kuwo si qaldan looga fakiray, oo aan miro dhalleen, ahna xadgudub ku aadan qawaaniinta caalamiga ah”

Madaxweeynaha Mareeykanka Trump ayaa sheegay in Masaarida ay qarxin doonaan biyo xireenka Itoobiya gooreey noqotaba. Hadaba, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sidoo kale yiri, “Ninkan (Trump) waa nin aan garaneeyn waxa uu ka hadlayo” isagoona ugu yeeray hadalka Trump mid xilkasnimo daro iyo taxaddar la’aan ay ka muuqato.

Kenya: Siyaasiyiinta Soomaalida sida Shiikh Shariif, Kheeyre, Deni iyo kuwo kalle oo badan ayaa ol’ole doorasho ka sammeenayey mudooyinkaan dalka Keenya. Waxaan ognahay in dalka Keenya iyo Soomaaliya ay ka dhaxeeyso muran siyaasadeed iyo mid dhulleed, waxaana la is weeydiinayaa waxa ay siyaasiyiinta Soomaalida ee mustaqbalka ka leh hoggaaminta dalka Soomaaliya sababta ay taageero uga raadinayaan Uhuru Kenyaata. Hadaba, Jawaabta arrintaas fadlan hoos ka daawo.

Garoowe: Wadamo badan oo awal ahaa dhul saxaro ah ayaa waxa laga dhigay kuwo laga sammeeyey dhul beereedyo. Hadaba, Yaasmiin oo ka timid magaalada Calgarey ee dalka Canada, ayaa waxa ay ka sammeeysay meel u dhaw magaalada Garoowe dhul beereed. Hadaba, sidee ayeey ugu suurtagashay gabadhaa ineey beertaa ka sammeeyso meeshaas?

https://youtu.be/RXC-hvZMqPw

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*