8th May 2024  admin  Category :

Xaguu marayaa Maamulkii Sool iyo Sanaag loo samayn lahaa ee Cuqadad beeleedku dhalisay?

Maalmahan Maraykanka iyo Ingiriiska waxa dhoof diyaar u ah oo boorsooyinku u xir xiran yihiin koox ka soo jeeda Beesha Warsngeli , oo la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Muqdisho oo halkaa ay uga qayb geli doonaan maamul goboleed ay bilaabeen madaxweyne Farmaajo iyo Cali Khaliif . Maamul goboleedkan ayaa la sheegay in loo samaynayo beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante oo laga soo go’ynayo Puntland. Marka danbena reer Waqooyinimo Isaaq wax kula qaybsan doonaan. Inkastoo hadda laga qarinayo maamulka sheegta Somaliland

Dawladda Federaalka oo haba yaraatee wax mashaariic ah ka hirgelin gobolaka Sanaag, oo olahan maamul u samaynta dabada ka riixaysa, oo aan ahayn mid ka yimid rabitaanka beesha Warsangeli, ayaa hadana jidka ay u hayaan ama u marayaan maamul u samaynta wuxuu noqon doonaa mid gobolka Sanaag amnigiisa iyo guud ahaan Puntland wax u dhimi doona.

Waxay doonayaan in lacag ay ku bixiyaan in Beelaha Warsangeli jilib jilib uga baxaan ciidanka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan Buuraha Calmadow

Waxay doonayaan inay eedeeyaan, magaca ka dilaan Suldaanka Warsangeli, si marka uu ka hor yimaado waxay qasanayaan oo hadda la dhuumanayaan ay u yiraahdaam waa waxaan sheegaynay, Jilibkiisa ayuu wax la rabaa

In Beelaha Warsangeli sidii beesha Dhulbahante loo kala dilay loo kala dilo oo qaar la yiraahdo waa dhergeen oo SOMALILAND IYO PUNTLAND ayeey wax ka helaan qaarna waa dulman yihiin, oo markaa kuwa la sheegay inay dulman yihiin la hubeeyo

In la yiraahdo Buuraha Calmadow waa mashruuc ay beeli wadato, oo haba yaraatee argagixiso ayna joogin si bulshada caalamku lacagaha ay ku siiyaan Puntland loo joojoyo.

Kooxda Warsangeli ee Boorsooyinku u xir xiran yihiiin oo ka gudbay jidbaddii Warsangeli baa Somaliland ah, iyaga waxa looga digay inaanay beesha Isaaq arintan ka war helin, sababtoo ah haddii arintaa la ogaado madaxweyne Farmaajo Cod kama heli doono beesha Dirta doorashada soo socota, Wax walba Faraamjo ayaa loo qabanayaa Maamulka Cuqdad Farmaajo beel Soomaaliyeed u qabo ayaa loo samaynayaa, Aamusinta la aamusinayo waa si Farmaajo mar labaad u soo baxo.

Ugu danbayntii maamulkan Cali Khaliif iyo Farmaajo oo waqti kooban u harsan yihiin ay Warsangeli iyo Dhulbahante u samaynayaan, oo beesha Warsangeli hor boodayaan kuwii la shaqaysan jiray SNM, haddaan laga hor tegin degaano badan oo maanta aynu maamulno gacanteena ayuu ka bixi doonaa. Aqoonyahanka, wax garadka iyo Siyaasiyiinta waa inaanay arintan ka aamisin

ALLSANAAG.COM

`

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*