1st May 2024  admin  Category :

RW Khayre oo is casilay saacado kadib markii madaxweyne Farmaajo Ra’isul wasaare ku meel gaar ah u magcaabay Mahdi Maxamed Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa isaguna bedelay Xoghayaha joogtada ahaa ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo magacaabay Xoghaye cudub oo uu madaxweyne Farmaajo adeer u yahay

Wareegto ka soo baxday xaafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdirasaaq Xuseen Aadan oo madaxweyne Farmaajo adeer u yahay si ku meel gaar ah ugu magacaabay Xoghayaha cusub ee xaafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta ku simaha Ra’iisul wasaaraha loogu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed oo horay u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Ad by Valueimpression

Magacaabista Mahdi Guuleed waxay ka dambeysay kadib markii kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee maanta lagu shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka aqriso magacaabista

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*