27th April 2024  admin  Category :

Khilaaf u Dhaxeeya Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage iyo Mid ka Mid Ah Madaxda Shirkada DP World oo Cirka Isku Shareeray.

Wasiirka Dekedeha,Gaadiidka Badda iyo Sugida Amniga Xeebaha Puntland Mudane.Siciid Maxamed Raage  iyo Haweeney lagu Magacaabo Safiyo C/qafaar Xaaji Xuseen (Basey ),isla markaasina Qeyb weyn  ka ahayd Heshiiskii ay kala Saxiixdeen Shirkada DP World iyo Maamulka Puntland ee ku saabsanaa Dhismaha Dekeda Bosaaso ayaa Cirka Isku Shareeray,ka dib markii ay Safiyo damacday in ay Inqilaab ku sameyso inta badan heshiisyadii la kala Saxiixday.

Haweeynadan oo La Taliye u ah Madaxda Shirkada DP World ayaa qaab Siyaasadaydan Heshiiskan uga dhex faaiidaysatay,iyadoona Madaxda Shirkada DP World ka dhaadhicisay inay iyada iyo Koox kale ay Maamuli doonaan Dhismaha Dekeda inta ay shaqadeedu socoto,isla markaasina ay la imaan doonaan dhamaan Qalabka Lagu Shaqayn doono Sida Gaadiidka Dhismaha iyo weliba Qorista Shaqaalaha,iyadoona weliba Madaxweyne Gaas oo ay isku heyb yihiin ka dalbatay in uu Xafiis ka Siiyo Gudaha Dekeda Magaalada Bosaaso.

Wasiirka Dekedaha Puntland Mudane.Siciid Maxamed raage ayaa culays badani ka saaran yahay heshiiskan,culayskaas oo uga imaanaya Dhanka Madaxtooyada,taas oo ay sababtay inay cid waliba hunguri ka gallo sidii uu meel uun uga soo geli lahaa heshiiskan DP World iyo Maamulka Puntland,Walow Dhanka Wasiirka aysan jirin taageero badan uu uu shacabka ka haysto marka loo eego Taageeradii uu beri samaadkii uu  ku  lahaan jirey Gobolka Bari iyo Guud ahaanba Puntland.

Sidoo kale haweenaydan ayaa ka faaiidaysatay mudadii Xukuumada Puntland ay Baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen,iyadoona Aaminsanayd in Wasiirka Dekeduhu uusan dib usoo laaban doonin,walow ay taasi dhicin.

Isku Soo wada duuboo Heshiiskan Shirkada DP World iyo Maamulka Puntland ayaa u muuqda mid mugdi ku jiro,una shaqaynaya qaab aysan shacabku ku qanacsanayn marka loo fiiriyo arimo badan oo shacabka laga qarinayo Sida Bayska ama Bedka uu dhismaha Dekedu soo gaarayo iyo weliba mudada heshiiska lagula galay shirkada oo ah mudo ku dhow 30-Sanadood,taas oo aysan shacabku ku Qanacsanayn.

Safiyo Basey Waa Haweenayda Sawirka Idiinka Muuqata.

Raadreeb.com-Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*