26th July 2024  admin  Category :

“Aniga oo wax dili kara duco  qaadan maayo, Hadaaftimona layma diidi karo, Ducona kuma tegaayo

Odayaal Calooshood u shaqaystayaal ah oo qaarkood looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan Alshabaabka Buuraha Calmadow, ayaa danbiile dagaal Muuse Biixi ku casumay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag.

Sida aan wararka ku helayno, maalinta berito magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxa laga sugayaa dagaal ooge Muuse Biixi oo ay   halkaa Odayaashan calooshood u shaqaystayaasha ah.   qado ugu samayn doonaan

Warar kale oo aan ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in gurmad badan oo ka kalA yimid degmooyinka Gobolka Sanaag ay caawa ku baxeen dagemada Hadaaftimo si ay u soo qabtaan danbiile dagaal Muuse biixi, oo xasuuq ka gaystay gobolada waqooyiga Soomaaliya

Waxgaradka, dhalinyarada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee  Bulshada degmada Hadaaftimo,  ayaa iyaguna waxay   wadaan abaabul xoogan oo ay kaga  hortagayaan in  Odayaasha looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan   argaixisada buuraha Calmadow  iyo danbiile dagaal Muuse biixi  ay ku kulmaan magaalada Barakaysan ee Hadaaftimo.

https://youtu.be/jLviWB8OlF8

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*