26th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid dalka.

Agaasimaha caafimaadka loo dhan yahay, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga.

Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhan yahay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goobjoog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*