26th April 2024  admin  Category :

Maamulka  Gamudug wuxuu ka ahaa Joker madaxweynhii yimaadanaa la shaqeeya, maanta isagii ayaa xilka laga qaadayaa

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qeybta ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ka doodaya Mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, kaddib markii maalintii shalay Xildhibaanada ku shiray Cadaado ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Illaa 97 Xildhibaan ayaa shalay mooshin ka gudbiyay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan magaalada Cadaado, waxaana Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb ay maanta bilaabayaan dooda ugu horeysa, iyadoo maalinta berrina cod u qaadaya.

Labada dhinac Xildhibaanada ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa isugu jawaabaya xil ka qaadis, taasoo sii fogeyneysa khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug ee khilaafka kala hareeyay ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu ku howlan yahay duminta Maamulka Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso Galmudug, isla markaana ay gadaal ka riixeyso Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir oo uu sheegay inay maara u waayeen, ayna go’aansadeen inay ka tashadaan.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa fadhi u kala noqotay labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo, waxaana Galmudug qarka u saaran tahay inay yeelato Labo Guddoomiye Baarlamaan iyo labo Madaxweyne

https://allsanaag.com/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-waa-maxay-shaqadiisu/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*