26th April 2024  admin  Category :

Maalintii Xilka Taliayaha Booliiska  laga qaaday Digri ayuu bilaabay, haddii maanta  loo  doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shaqadiisa ka soo bixi waayo sidii Jawaari Mooryaanimo bilaabi maayo

Anigoo ah Xildhibaan Dr. Shariif Sheekhuna Maye, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2018, waxaan caddeynaaya in aan si rasmi ah u taaganahay musharax xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJF Soomaaliya.

Waxaan leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo dhanka habsami u Hoggaaminta Maamulka, Garsoor Caddaaladda ku dhisan yahay. Aqoon fiican ayaan u leeyahay Shuruucda Dalka u degsan, Qaanuunka Caalami ah iyo Xeerka Xuquuqda Aadanaha.

Muddo 57 sano ku dhaw ayaa si xilkasnimo, daacadnimo, caddaaladsna ku dheehan tahay ugu adeegay Dawladda iyo Dadweynaha Soomaaliyeed. Haddii aan ku guuleysto Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan ka miro dhalin doona waajibaadka Dastuuriga ee saaran Golaha Shacabka.

Mar kasta waxaan la kaashan doonaa, raad raacna ka dhigi doona xusuusrebkii uu naga tegay Guddoomiyihii hore Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ku dadaali doona in aan kor u qaado tayada iyo waxqabadka Golaha, isla markaana ka ilaalin doona in hawl-maalmeedka Guddoonka uusan hoos u dhicin heerka uu hadda ku sugan.

Haddaba, waxaan Xildhibaannada sharafta leh ka codsanaaya inay i doortaan. Haddii uu Allah raalli ka noqdo, waxaan ilaalin doona Dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaalo. Waxaan noqon doona Guddoomiye aad wax kasta kala tashato, iskuna hallayn karto ka miro dhalinta dhartii aad marteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*