4th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Kulanka waxaa Madaxweynayaasha ku weheliyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Ganacsiga mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dibedda Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*