10th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa maanta  21 April 2018 Safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Abu-Dhabi ee caasimada Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta, kadib markii martiqaad rasmi ah uu ka helay madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Safarkiisa shaqo ee uu ugu ambabaxay Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta waxaa ku wehelinayey qaar kamida golaha wasiirada Dowlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Isutaga Imaaraatka Carabta gaar ahaan caasimadda dalkassi ee Abu-Dhabi u tegi doono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka, Siyaasadda guud ee Puntland iyo tan Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*